Askari Syrian ah oo jaceyl usoo bandhigay gabar uu dhalay madaxweyne Bashar Al-Assad – Maxaa xigay?

Dimishiq (Caasimada Online) – Askari u dhashay Suuriya oo muuqaalo xiriir ah soo dhigay baraha bulshadda, isaga oo ku dhawaaqaya una sheeganaya Jacaylka uu u qabo gabadha 16 jirka ah ee Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad, uuna doonayo inuu guursado, ayaa la sheegay in ay Sabtigii xabsiga dhigeen ciidamada Dowladda.

Askariga oo magaciisa lagu sheegay Yazan Soltani, ayaa bilaabay in uu muuqaaladiisa baraha bulshadda soo dhigo todobaadkii lasoo dhaafay, isagoo jacaylkiisa u jeedinaya gabadha keliya ee uu dhalay Bashar al-Assad, taas oo lagu magacaabo Zein Assad.

“Waan ku jecelahay, xaqiiqdii waan ku jecelahay,” ayuu Soltani ku yiri, muuqaalkaan. “Waan kugu waalanahay. Anigaa ku leh anigana adigaa i leh. Teyda ahaaw,” ayuu ku yiri muuqaal kale ee dhaliyey hadal heynta ugu weyn Suuriya ka jirta.

“Teyda ayaad ahaan doonaa weligaa, ilaa waqtigu ka dhamaado, kaama hari doono, waxay ahaataba,” ayuu yiri.

Inkastoo dadka qaar ku taageerayeen jacaylkiisa, kuwo badan ayaa uga digayay  in uu yareysto khatarta qoyska madaxweyne Assad. Intii uu socday dagaalka sokeeye ee Suuriya ee tobanka sano jirsaday, waxaa xabsiyada lagu waayay tobanaan kun oo mucaaradka Bishaar al-Assad ahaa.

“Waxaan kuula hadlayaa sida walaalkaa oo ku waaninaya,” ayuu yiri qof u dhashay Siiriya oo Internet-ka wax ku qora. “Waxaa jiray kuwo kaa horeeyay oo baraha bulshadda kasoo muuqday iyagoo codsiyo sameeyay, siimana aanan arkin. Aragtideyda, waxaad aad ugu dhowdahay khadka cas.”

Sabtigii qof sheegtay in uu walaalkiis yahay ayaa Page-ka Soltani kusoo qoray in la xiray lana garaacay Yazan Soltani.

Qoraal kale oo Page lagu soo daabacay ayaa kadibna looga codsaday Madaxweynaha Mareykanka in uu shirqool ku dilo Bashar Al-Assad, si “halyeyga Yazad” loo soo daayo.