GUDDIGA isku dhafka ah ee BF oo war kasoo saaray kuraasta la-xawilanayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga wadajirka ah ee dhameystirka xeerarka sharciga doorashooyinka Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow ayaa markii ugu horeysay ka hadlay cabasho ka soo yeertay beelaha qaar, taas oo ah in kuraastoodii goalaha shacabka deegaan doorashadooda loo wareejiyey gobol ama degmo aysan degin.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq ayaa sheegay in arrintaas aysan ku dhicin ku talagal, balse ay tahay khalad ka dhacay daabacaadda xeerka asteynta kuraasta golaha shacabka, haatana ay diyaar u yihiin inay saxaan.

Sidoo kale waxa uu xusay in sidii loo sixi lahaa khaladaadka jira ay la kaashan doonaan guddoonka golaha shacabka, isla markaana ay qaadan doonaan talooyinka ay soo jeediyaan xildhibaanada aragtida ka dhiibanaya xeerka asteynta kuraasta golaha shacabka.

“Wixii khalad ah oo ku jira xeerkan badanaa waxay ka dhaceen daabacaada, hadii aad aragteen kuraasta qaar oo lambarka iyo meesha aysan is laheyn, waan saxeynaa, anaga oo guddoonka la kaashaneyna, soo jeedinta xildhibaanadana waan qadaneynaa wixii naga anfaca, marka waxaan codsaneynaa in xeerkan” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga wadajirka ah ee labada Aqal Ibraahim Isaaq Yarow.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maanta ka hadlay doodii xeerka astaynta kuraasta Golaha Shacabka oo hor yaalla golaha ayaa sheegay in kuraasta loo wareejiyey gobollada aysan deganeyn beeshii laheyd ay khatar ugu jiraan inay lumaan.

Guddoomiyaha guddiga wadajirka ah ee dhameystirka xeerarka sharciga doorashooyinka Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow ayaa xildhibaanada golaha shacabka uga mahad celiyay sida ay u ansixiyeen seddaxdii xeer ee kan ka horeysay, kuwaas oo dhamaantood ku jira sharciga doorashooyinka, guddigana loo xilsaaray inay soo diyaariyaan.

Guddigan ayaa loo xilsaaray in uu soo diyaariyo afar xeer oo kala ah, xeerka metelaadda gobolka Banaadir, xeerka qoondada haweenka, xeerka asteynta kuraasta gobollada waqooyi oo ay kalfadhigan bilowga ah ku ansixiyeen xildhibaanada golaha shacabka iyo xeerkan haatan hor yaalla ee asteynta kuraasta golaha shacabka, kaas oo doodiisu ay ka furantahay fadhiga golaha shacabka. Waxuuna codsaday Ibraahim Isaaq in la ansixiyo xeerkan inta aan la gaarin bisha July oo fooda nagu soo heysa.

Hoos ka Daawo