Xukuumadda Somaliland oo dagaal yaab leh ku qaaday telefishanno caalami ah

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa dagaal xoogan oo dad badan la yaab ku noqotay ku qaaday labada Tv ee Universal iyo Star, kuwaasi oo ay hore u sheegtay inay ruqsadii kala laabatay.

Wasaarada warfaafinta Somaliland, Saleebaan Koore ayaa waraaq uu soo saaray ku amray in gebi ahaanba labadaasi telefishan laga saaro kanaladooda Receivera-da, maadama ay ruqsadii kala noqotay wasaaradu.

Wasiir Koore ayaa sidoo kale waxa uu Ganacsatada reer Somaliland usoo jeediyay inay kala laabtaan xayeysiisyadii ay hore u siin jireen labadaasi telefishano oo ku eedeysan inay sii deyn waayeen khudbad uu jeediyay madaxweynaha Somaliland.

Wasiirka ayaa hore u sheegay in telefishanka Universal ay u xireen, isla markaana ay ruqsadii ugala laabteen maadama uu baahin waayey khudbadii madaxweyne Muuse Biixi uu ka jeediyay munaasibadii 26-ka June.

Waraaqda wasiirka ayaa waxa kale oo si cad loogu sheegay inuu madaxweynaha Somaliland ogyahay cabudhinta ka dhanka ah labadaasi telefishan ee wasaaradu kala laabatay ruqsadii.

Somaliland ayaa inta badan lagu eedeya inay beegsi gaar ah ku hayso warbaahinta madax-banaan ee ka shaqeysa gudaha deegaanadeeda.