Bangiga Adduunka oo lacag badan ugu deeqay Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Bangiga Adduunka ayaa markale lacag malaayiin Dollar ah ugu deeqay Soomaaliya, taas oo ah taageerada horumarinta caalamiga ah.

Lacagtaan oo gaareysa illaa 40 milyan ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay guddiga agaasimeyaasha hay’adaha bangiga adduunka, si loogu caawiyo dowladda federaalka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Bangiga Aduunka ayaa waxaa lagu sheegay in lacagtan aqeyb ka tahay maaliyada deg-dega ah ee Soomaaliya looga taageerayo la-dagaalanka Ayaxa oo haatan fara ba’an ku haya gobollo badan oo ka tirsan dalka.

Sidoo kale qoraalkan oo la soo dhigay barta Internet-ka ee Bangiga Adduunka ayaa waxaa lagu muujiyey in ay taageradaasi qeyb ka tahay barnaamijka jawaab-celinta deg-dega ee looga hortagayo khatarta Ayaxa, laguna xoojinayo nidaamka u-diyaargarowga ee dalalka Afrika iyo bariga dhexe ee ay waxyeellada Ayaxa baabi’iyey dhul-beereedka.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii Bangiga Adduunka uu Soomaaliya u ansixiyey lacag gaareysa 55 milyan oo Dollar, taas oo lagu kaabayo miisaaniyadda dowladda ee 2020.

Si kasta ha’ahaatee duullaanka uu Ayaxu ka geystay Soomaaliya ayaa saamayn ku yeeshay qaab-nololeedka ku-dhawaad 2.6 million oo qof oo ku nool 43 degmo oo ka tirsan Soomaaliya, iyadoo ay qeybta Beeraha lafdhabar u tahay 75% dhaqaalaha dalka.