Maxay tahay shaqadiisa madaxweyne ku-xigeenka golaha guud ee Q/Midoobe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay muddo 30 sano ah loo doortay madaxweyne ku xigeenka shirka 75aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay ee fadhigiisu yahay dalka Mareykanka.

Warkan ayaa lagu shaaciyay bogga safaaradda Soomaaliya ee wadanka Mareykanka, waxaana xilkan Soomaaliya ku matelaya safiirka u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Cusmaan Baalle.

Xilka madaxweyne ku xigeenka oo markiiba ay qabtaan dalal dhowr ah ayaa dalalka kale ee sanadka Soomaaliya ku wehliya waxaa kamid Cameroon iyo Togo, waxaana matelaad ku yeesha dhammaan shanta qaarad ee adduunka.

Soomaaliya ayaa xilkan horay usoo qabatay dhowr jeer oo kala h sandkii 1963-64 oo uu soo qabtay Dr Xasan Nuur Cilmi, 1979-1980 Cabdirisaaq Xaaji Xuseen/ Axmed Aadan “Qeybe” iyo Sanadkii 1986-87 oo uu soo qabtay Cabdullaahi Cismaan.

Maxay tahay shaqada madaxweyne ku xigeenka shirka golaha guud?

Xilkan oo ah mid wareegta ah ayaa waxaa sanadkiiba qabta dalal lagu qiyaasay 21, kuwaas oo ka shaqeeya ajendaha guddiga shirka golaha guud ee Qaramada midoobay oo sanadkiiba mar la qabto.

Xilka madaxweynaha ama shir guddoonka guddiga ayaa waxaa sidoo kale loo doortay dalka Turkiga.

Sanad walba, guddiga golaha oo ka kooban madaxweynaha iyo ku xigeenadiisa waxay ka arrinsadaan ajendayaasha ay madaxda caalamka uga hadlan shirka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay iyo tallooyin ay usoo jeediyaan golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Sida ku cad bogga rasmiga ah ee Qaramad Midoobay, waxaa sanadihii dambe la sii xoojiyay shaqada ay qabtaan gudidga oo uu kamid yahay madaxweyne ku xigeenka, waxaana kamid ah shirarka gaargaarka ah iyo in ay u furan yihiin dhamman dalalka xubnaha ka ah Qaramad Midoobay oo ay la kulmi karaan.

Madaxweyne ku xigenka ayaa leh door soo jeedin, waxaana uu sidoo kale madaxweynaha ka caawiyaa dejinta ajendayaasha dhammaan shirarka iyo hab maamuuska shaqo ee kullanka golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Haseyeeshee wax go’an ah kuma lahan waxwalba oo la xiriira arrimaha siyaasadda. Dalka Nigeria ayaa horay usoo qabtay xilka madaxweynaha, waxaana haatan kala wareegay wadanka Turkiga.

Madaxweynaha dowladda federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in Soomaaliya tallaabadan ay muujineyso ixtiraam iyo qaddarin caalami ah oo Soomaaliya ay kasabatay.

Dhanka kale, danjire Abuukar Daahir Cismaan “Abuukar Baalle” ayaa Madaxweyne Farmaajo u sheegay dedaalo ay ku doonayaan hirgelinta qorshaha iyo hiigsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2023-ka, kaas oo ah sidii Soomaaliya ay ugu guuleysan lahayd xubinnimada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo haatan codsigiisa ay sheegeen in la gudbiyey.

Xigasho: BBC.