Daawo: Furiinka wariye caan ah iyo gabar Soomaaliyeed oo aad loo hadal haayo

Nairobi (Caasimada Online) – Sheekadda furiinka gabar Soomaali ah iyo wariye Kenyan ah ayaa aad looga hadal hayaa baraha bulshada kadib markii ay wada noolaayeen afar sano, waxayna labadooda sanado ka hor loo aqoonsaday inay yihiin lamaane dhiiri gelin u noqday isdhex-galka diimaha kala duwan ee Kenya maadaama ay kala haysteen laba diimood.

Warbaahinta Kenya qaar ayaa sababta kala tagooda, ku sheegay arrin yaab leh maadaama aysan aheyn wax aan la fileyn.

Aamina ayaa sheegtay inay muddo bil ka hor kala tageen Ben balse ay go’aansatay inay hadda uun shaaciso.

“Waxay ahayd hal bil oo xanuun badan oo ilmadu ay iga da’aysay balse waxaan ogahay in maalin un aan iftiinkii heli doono”, ayey ku qortay barteeda Instgramka.

Amina ayaa qirtay in wax walbo ay hagaagi doonaan oo dhibka ka bixi doonto sido kalena ay dooneysay in dadka ku xiran barteeda ay xaalada la socodsiiso inta aysan warbaahinta soo qorin.

Bishii Nofembar ee sanadkii 2018, Soomaalida Kenya ayaa aad uga hadashay guurkan dhex maray weriyahan u shaqeeya TV-ga dalka Kenya ku yaalla ee KTN iyo Aamina.