Xaliimo Yarey oo shaacisay xilliga rasmiga ah ee ay ka guureyso Villa Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo lo yaqaano (Xaliimo Yarey) oo wareysi dheer bixisay ayaa shaacisay sababta ay weli u dagan yihiin dhismaha Villa Soomaaliya.

Xaliimo Yarey ayaa wareysigan ku sheegtay in xarunta Villa Soomaaliya ay tahay meel la wada leeyahay, islamarkaana ka dhexeysa guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa ay sheegtay inay u mahadceleyso dowladdii Xasan Maxamuud oo madaxtooyada ka siisay xafiisyada ay hadda ku shaqeeyaan.

“Villa Soomaaliya waa meel ay Ummadda Soomaaliyeed leedahay xafiisyo gaar ah ayaa ka daganahay hay’ado kalena waa dagan yihiin, madaxweynahana wuu dagan yahay, ra’iisul wasaarahana wuu dagan yahay, baarlamaankana dhinac ayuu ku hayaa, haddana ma’aha waxa aan degnay dowladdaan dowladdii ka horreysay ayaa uga mahadcelineynaa oo xafiisyada nasiisay.” ayey tiri guddoomiye Xaliimo Ismaaciil Ibraahim.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa sababta ay weli u dagan yihiin Villa Soomaaliya ku sheegtay daruufo amni iyo kuwa dhaqaale oo is-biirsaday.

Waxa kale oo ay intaasi ku dartay in bisha September ee sanadkan 2020-ka qorshohoodu yahay in ay ka guuraan halkaasi, iyada oo shaacisay inay dagi doonaan  xarun cusub oo haatan loo dhisayo guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka.

“Dowladaan tii ka horreysay waxay nasiisay dhul fiican oo inagu filan, dhulkiina muddo ayey nagu qaadatay in la dhiso, haddane dhismihiisa si fiican ayuu u socdaa waa-noo dhow-dhow yahay qorshaheynana waxaa waaye, haddii uu Ilaahey idmo inuu soo gaba-gaboobo bisha September-na aan ku shaqeyno.” ayey markale tiri Xaliimo Yarey.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo horey walaac iyo shaki looga muujiyey madax banaanida guddiga doorashooyinka qaranka oo muddo ku shaqenaya Villa Soomaaliya.