Rabshado ka bilowday dalka Itoobiya, kadib markii la toogtay fanaan caan ahaa

Addis Ababa (Caasimada Online) – Warar ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in maanta banaan-baxyo rabshada wata ay ka bilowdeen dalkaasi, kuwaas oo ka dhashay toogasho xalay loo geystay fanaan Haacaaluu Hundeessaa oo caanka ahaa wadankaasi.

Fanaanka oo ka soo jeeday Qowmiyadda Oromada ayaa caan ku ahaa dibad-baxyadii Itobiya ka dhacay sanado ka hor, waxaana toogasho gaadma ah ku dilay rag hubeysan.

Dibad-baxayaasha oo isugu soo baxay magaalada caasimada ah ee Addis Ababa iyo hareeraheeda ayaa dab qabad-siiyey goobo muhiim ah oo ku yaalla halkaasi.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya oo warbaahinta dalkaasi kala hadlay dadweynaha ayaa ka tacsiiyey geerida fanaankaasi, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay dibad-baxayaasha inay is-dajiyaan, islamarkaana ay joojiyaan mudaharaadyada socda.

Sidoo kale wuxuu u sheegay dadweynaha inay ka war-sugaan hay’adaha ammaanka iyo kuwa cadaaladda oo ku howlan baaritaanka dilka qorsheysan ee loo geystay fanaanka.

Dhankiisa Jawar Maxamed oo ah hogaamiye ka tirsan Oromadam islamarkaana mucaarad ku ah xukuumadda Abiy ayaa ka hadlay rabashadahaasi, wuxuuna shacabka dhigaya dibad-baxyada uu ka dalbaday inay guryahooda ku noqdaan, isna dajiyaan.

Xaaladda magaalada Addis Abab iyo sidoo kale deegaanka Oromada ayaa maanta aad u kacsan, iyadoona halkaasi lagu arkayo shacab badan oo ka careysay dilka fanaankaasi.