Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta lagu dheggan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan hore Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta tartan adag kala kulmi doonta seddex musharax oo ay isku beel yihiin.

Wasiirkii hore ee arimaha dibada ee Soomaaliya Ms Fowziyo Yuusuf ayaa dooneysa iney kusoo laabato xildhibaanada aqalka hoose ee baarlamaanka.

Waxay la tartami doontaa seddex musharax oo mid kamid ah haweeney tahay, waxaana kamid ah Qaasim Ismaaciil Axmed,  Ismaaciil Xasan Jaamac iyo Caasha Aadan Yuusuf.

Doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee deegaanada waqooyiga Soomaaliya ayaa maalmahaan waxaaa ku yimid dib u dhac la xiriiray murun dhanka kuraasta iyo ergada ah.

Dooradhada kuraasta kala duwan ayaa waxaa ku tartami doono musharixiintan:-

Kursiga Koowaad ayaa waxaa ku tartamaya Musharaxiinta kala ah:-

  1. Foosiyo Yuusuf Xaaji Aadan Ra’isal Wasaare Ku Xigeenkii hore .
  2. Caasha Aadan Yuusuf.
  3. Qaasim Ismaaciil Axmed.
  4. Ismaaciil Xasan Jaamac.

Kursiga labaad ayaa waxaa ku tartamaya Musharaxiinta kala ah:

  1. Ridwaan Xirsi Maxamed Ra’isal Wasaare Ku Xigeen hore.
  2. Baarliin Xasan Qalinle.
  3. C/fitaax Ismaaciil Daahir.
  4. Shukri Faarax Cilmi.

Kursiga Saddexaad ayaa Waxaa ku tartamaya Musharaxiinta kala ah:-

  1. Faadumo Cusmaan Nuur.
  2. Muuse Ismaaciil Jaamac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com