Francisco Madeira oo ka dhawaajiyey waqtiga rasmiga ah ee AMISOM laga saarayo Soomaaliya

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii la doortay ka dhawajayey in Ciidamada AMISOM laga saari doono Soomaaliya marka ay dowladiisa laba sano jirsato, wuxuuna sheegay taas bdalkeeda in la diyaarin doono Ciidamo Soomaaliyeed oo awood u lahaan karo inay sugaan amniga Soomaaliya.

Haddaba Francisco Madeira oo ah  wakiilka gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Dalka Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyey waqtiga rasmiga ah ee Ciidamada AMISOM laga saari doono Soomaaliya.

Wakiilka oo war saxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay waqtiga rasmiga ah ee loo qorsheeyey ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in kama dambeys laga saari doono sanadka 2020.

Mar uu ka hadlayey cidda ay ku wareejin doonaan amniga Soomaaliya, ayuu shaaca ka qaaday inay Ciidamada AMISOM qorsheenayaan in amaanka guud ee Dalka ay ku wareejiyaan Ciidamada huwanta ee Soomaaliyeed.

Wuxuu xusay in ka bixitaanka AMISOM qaadan doonto muddo hal sano ah, wuxuuna sheegay inuu bixintaanka bilaaban doono sanadka 2020, waxayna midaas la micno tahay inay bixitaankooda dhameystiri doonaan Sanadka 2021.

Ugu dambeyn, Danjiraha ayaa qeexay in Soomaaliya ay Soomaali leedahay, islamarkaana Ciidamada AMISOM aysan sii joogi doonin gudaha Soomaaliya, lana rumeyn doono aragtida Madaxweynaha oo ah in laga maarmo Ciidamada AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com