Frimpong oo si amaah ah Arsenal kaga biiraya Charlton Athletic.

Charlton Athletic ayaa la saxiixatay ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Arsenal Emmanuel Frimpong, waxayna ku qaadatay heshiis amaah ah oo ay ku heysaneyso ilaa 1ada Janaayo, sida uu qoray Wabsite-ka Euro Sport.

Frimpong, oo 20 jir ah, ayaa kasoo kabsaday dhaawac muddo dheer ah isagoo kasoo muuqday koobka Capital One Cup bishii September laakiin wuxuu ku guul darreystay inuu kasoo dhex iftiimo Premier League ama Champions League.

Hada wuxuu ku biiri doonaa Addicks waana markiisii labaad ee uu amaah uga baxo Arsenal, isagoo shan kulan usoo ciyaaray Wolverhampton Wanderers xilli ciyaareedkii hore ka hor inta uusan dhaawac jilibka ah soo gaarin bishii February.

“Xaqiiqdii aad ayaan ugu faraxsanahay inuu kusoo biiro kooxdeena, waana kusoo dhoweyneynaa kooxda,” ayuu yiri tababaraha kooxda Charlton Athletic Chris Powell.

“Mudo ayaan indhaha ku heynay, wuxuuna nagu soo fool leh mashquulka Ciidda Kirishtanka, waxaan dareemayaa inay wax saxan aheyd inaan lasoo wareegno dabool ayaase naga saarnaa.

“Waxaan u heysanaa inuu saxiixiisu wax fiican noo qaban doono waxaana fileynaa inuu xaalada Qatarta ah ama madow ka badbaadiyo Charlton.”

Frimpong ayaa kasoo baxay Akadeemiyada Gunners waxayna isku mar soo dalaceen Jack Wilshere 16 kulan ayuuna kooxda u saftay.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.