Fu’aad Shongole oo war kasoo saaray duulaanka Al-Shabaab ee Itoobiya iyo qorshe ay damacsan yihiin

Bakool (Caasimada Online) – Dagaal-yahaanada Al-Shabaab ayaa isku diyaarinaya rogaal celin culus, kadib dagaalo ay la galeeen ciidamada Liyuu Booliska, ayada oo furimaha hore ee deegaanada Ceelbarde iyo Caato uu gaaray mid kamid ah culimada dhiirigeliya Jihaadka Al-Shabaab.

Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf oo hadal u jeediyay boqolaal ka tirsan dagaal-yahanaada Shabaab ee ku sugaan deegaanadaas ayaa u sheegay inay isku diyaariyaan weerar kale oo ka dhan ah ciidamada Itoobiya, isaga oo ugu hambalyeeyay guul uu ka sheegtay dagaalka.

“Waxaa shaki ku jirin anaga dhaawac ma wadano, cadowga isaga jabay oo bakhtigiisa si uu u duugo waayay. Maanta anaga haddii aan ku rogaal celino waxaa gaareyna nasrigii hore mid ka weyn,” ayuu yiri Fu’aad oo hadal u jeedinayay dagaal-yahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu ku dardaaray dagaal-yahanada inay u adkeystaan dhibkasta oo ay la kulmaan inta ay ku jiraan dagaalka, islamarkaana ay sii wadaan illaa inta ay ka dhimanayaan ama ka guul gaarayaan.

Fu’aad ayaa ku dheeraaday kalimado dhiiri-gelin ah oo dagaal-yahaanada ku riixaya inay sii wadaan dagaalka, isagoo soo hadal qaaday dagaalladii lagu laayay ciidamada Itoobiya ee isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Yeed iyo deegaanka Caato.

Ugu dambeyntiina waxa uu ku goodiyay maleeshiyaadka Liyuu Booliska ee ku sugan deegaanada xuduudka labada dal inay ka shallayn doonaan xasuuqa iyo xad-gudubyo uu sheegay inay ku hayaan dadka muslimiinta.