Juxa: Sisi wuxuu Soomaaliya ku gaaday dhimbil dab ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo war qoraal ah soo saaray ayaa waxa uu ku sheegay in Soomaaliya ay si sibiq ah loo dhex istaajiyay muranka mudada badan soo jiitamayay ee Masar iyo Itoobiya.

Juxa ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Siisi uu danihiisa gaarka ah uga faa’iideystay socdaalkii madaxweyne Xasan Sheekh, islamarkaana uu ku gaaday dhimbiil dab ah oo la coleysiin karta Itoobiya, sida uu sheegay.

“Madaxweyne Sisi waxaad mooda inuu Soomaaliya ku gaaday dhimbiil dab ah iyadoona weli dowlad dhisan. Soomaaliya oo aan 30 sano cago dhigan oo ay labadeeda Webiba uga yimaadaan Itoobiyaa, webiga Al-Shabaabna uga furan yahay gudaha ma dhex geli kartaa muranka biyaha ee labada dal ee Afrika ugu xoogan oo aan midkoodna har iyada u jiideyn,” ayuu yiri Cabdi Faarax Juxa.

Sidoo kale waxa uu qoraalkiisa ku yiri “Gaadmada Masar ee maanta waxaa ka horeysay gaadmadii 1997-kii, markii shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliya ee Boosaaso ku mudaysnaa ay Masar si deg deg ah ugu wareejiya Qaahira, soona jeedisay in Xuseen Caydiid iyo Cali Mahdi noqdaan madaxweynaha iyo madaxweyn ku-xigeenka Soomaaliya.”

Qoraalka Juxa ayaa waxa uu daba socda hadal uu madaxweynaha Masar ka sheegay shirkii jaraa’id ee Xasan Sheekh, kaasi oo ku sheegay in labada dhinac ka wada-hadleen xaalada biyo xireenka, iskuna raaceen aragtida ah halista siyaasadaha halka dhinac ah ee ku wajahan mashaariicda wabiyada caalamiga ah.

“Waxaan ka wada-hadalnay xaaladda Biyo-xireenka Dib-u-curashada Itoobiya (Ethiopian Renaissance Dam), waxaana isku raacnay inay lama huraan tahay inaan ka dhegnaano mabda’a iskaashiga iyo wada-tashiyada u dhaxeeya dalalka webiga uu maro si loo xaqiijiyo inaan waxyeelo loo gaysan midkoodna,” ayuu yiri Al-Sisi.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh meelna kuma sheegin inuu hadalkaas ku raacsan uyahay Sisi, mana jirin war-murtiyeed wadajir ah oo arrintaas lagu caddeeyey.