Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Liyuu Boolis iyo Al-Shabaab oo sii xoogeystay

Bakool (Caasimada Online) – Dagaal u dhaxeeya cidamada Liyuu Booliska dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ayaa ku dhex maray tuulada Laasqurun oo 12-km u jirta degmada Feer-feer ee xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Saraakiisha amniga dowlad deegaanka ayaa guul ka sheegtay dagaalka, halka kooxda Al-Shabaab aysan weli ka hadlin.

Ibraahim Cali oo kamid ah dadka ku nool degmada Feer-feer oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sheegay in ciidamada Liyuu Booliska ay kabaha la dulmareen dagaal-yahaanadii Al-Shabaab, islamarkaana uu hadda istaagay dagaalka.

“Dagaal qorsheysan ayaa lagu qaaday oo lagaga hortagay xubnihii Al-Shabaab oo kabaha ayaa lala dulmaray waxa la gaarsiiyay meesha la yidhaahdo Dooxaale, khasaaraha la gaarsiiyay xad maleh waxaa magaalada ka jirta dabaal-dag iyo farxad,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hub badan laga furtay xubnaha Shabaabka, isaga oo xusay in jawiga guud ee deegaanadaas uu degan yahay, isaga oo xusay in si guud loo soo afjaray oo aan xiligaan laga cabsi qabin rogaal celin ka timaada argagixisada.

Dhinaca kale, waxaa goor sii horeysay dagaalka ka dhan ah argagixisada ku biiray ciidamada millateriga Itoobiya, kuwaasi oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada deegaannada dhaca xadka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Mas’uuliyiinta dowlad deegaanka ayaa dhankooda sheegay in ciidamadooda ay dileen 85 ka mid ahaa dagaalyahannada Shabaab, isla markaana ay ka qabsadeen deegaanno badan.

Dhinaca kale, culuma’udiinka, Odayaasha Dhaqanka, Aqoonyahka iyo Waxgaradka Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa Isniintii si wad-jir ah u cambaareeyay weeraradi ay Al-Shabaab maalmihi lasoo dhaafay ku qaadday deegaanno ka tirsan dhulka Dowlad-deegaanka Soomaalida.

War-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen Isbaheysiga Hey’adaha aan Dowliga aheyn ee loo soo gaabiyo SONSAC iyo Daladda Aqoonyahanka Deegaanka Soomaalida ee DADS ayaa lagu cambaareeyay weerarada Al-Shabaab ku qaadeen fariisamo ay ciidanka Liyuu Booliska ku leeyihiin xadka.

Sidoo kale, qoraal saxaafadeed kaas la mid ah waxaa xalay soo saaray Golaha Nabadda iyo Midnimada ee daagaanka iyo Culumaa’uddiinka.

Bayaanka ayaa lagu cambaareeyay dagaalka ay Shabaab ka geysteen deegaannada xadka, halka ay ku bogaadiyeen howlgallada ay ciidamada Liyuu Boolis kaga hortageen Al-Shabaab.

Waxay ugu baaqeen shacabka dowlad deegaanka in ay badiyaan feejignaanta ku aadan falalka lagu qalqal gelinayo amniga deegaanka.