Madaxweyne Xasanoo kusoo laabtay Muqdisho – Muxuu kala soo hadlay Masar?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ugu maqnaa dalka Masar ayaa gabal dhicii galabta dib ugu soo laabtay caasimadda dalka ee Muqdisho.

Madaxtooyada oo qoraal kooban ka soo saaray dib u soo laabashada Madaxweynaha ayaa shaacisay qodobadii uu kala soo hadlay dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu ku sugnaa dalka Masar waxaa kulan miro dhal ah kula qaatay Madaxweynaha dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi, isaga oo la soo qaaday xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal, iskaashiga diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo wax wada-qabsi ee ay wadaagaan labada shacab ee walaalaha ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta inta uusan ka soo amba-bixin Qaahira wuxuu kula kulmay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Al-qeyd, wuxuuna ka codsaday in Ururka Jaamacadda Carabtu uu dardar geliyo gacansiinta howlaha gurmadka abaaraha iyo horumarinta, xal u helidda caqabadaha amni iyo dhaqaale ee ay la tacalaayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh intii uu ku sugnaa Qaahira wuxuu la kulmay Madaxweynihii hore ee dalka Cabdiqaasin Salaad Xasan, masuuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalkaas iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar.