Xamza oo sameeyey ballan-qaad la xiriira xukuumadiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo latashiyo ku saabsan dhismaha xukuumadda la qaadanaya qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, ayaa maanta qaabilay maamuleyaasha warbaahinta ka howl-gasha gudaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u ballanqaaday bahda saxaafadda in xukuumaddiisu ay mudnaan siinayso daah furnaanta shaqada dowladda iyo xogsiinta shacabka, waxa uuna tilmaamay doorka ku aaddan wacyigelinta bulshada ee dhinacyada amniga iyo la dagaallanka fikradaha argagixisada ee laga sugayo warbaahinta in ay dardar geliyaan.

Sidoo kale, Xamza Cabdi Barre, ayaa adkeeyey doorka Xukuumadda ee ku aaddan dhowridda xorriyadda hadalka, xuquuqda Warbaahinta iyo badqabka wariyeyaasha, isagoo ku bogaadiyey shaqada ku aaddan xogsiinta iyo wacyigelinta ee ay u hayaan dadka Soomaaliyeed.

Dhankooda, Madaxda Warbaahinta ka howl-gala dalka, ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaaraha muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta dowladda iyo warbaahinta, taas oo aas-aas u ah xaqiijinta xorriyadda iyo madax-bannaanida saxaafadda, iyagoo la wadaagay tallooyin la xiriira qaabka ay u wada shaqeyn karaan warbaahinta iyo dowladda.

Xamza ayaa sidoo kale shalay kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka oo uu kala hadlay dhisitaanka xukuumad tayo leh oo si degdeg ah uga samatabixisa dhibaatooyinka heysta dadkeena iyo dalkeena.  

Qaybaha Ra’iisul Wasaaruhu la kulmay waxay isugu jireen culimada, ururrada bulshada rayidka iyo dhalinyarada – kuwaaso oo soo jeediyay talooyin wax ku ool ah – iyaga oo sheegay inay gacan siin doonaan dowladda cusub.