Villa Somalia oo shaaca ka qaaday mowqifkeeda ku aadan arrinta wabiga NILE

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Cabdikariin Cali Kaar oo u warramay BBC-da ayaa faahfaahin ka bixiyey wadahadalladii dhex-maray madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar, kadib markii ay soo baxeen warar ku saabsan in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la saftay Masar oo ay haatan is hayaan Itoobiya.

Waxaa baraha bulshada arrintaas ku faafiyey taagerayaasha madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Haddaba afhayeenka ayaa ka hadlay arrintaasi.

Cabdikariin Cali Kaar ayaa marka hore shaaca ka qaaday in Qaahira iyo Muqdisho uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer oo soo jireen ah, balse uu mar dhoweyd soo kala dhex galay mad-madow.

“Soomaaliya dowladda Masar waxaa kala dhexeeya xiriir soo jireen ah oo aad u qoto dheeraa, walow beryahaan dambe xoogaa mad-madow uu jiray” ayuu yiri afhayeenku.

Sidoo kale wuxuu caddeeyey mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aadan arrinta biuo-xireenka wabiga Nile , wuxuuna sheegay inuu yahay in si nabad ah looga faa’ideysyo biyaha wabigaasi.

“Wabiga Nile waxa uu maraa dalal badan mowqifka dowladda Soomaaliya wuu cadyahay iminkana waa kuu caddeynayaa mowqifka dowladda Soomaaliya waa in si nabad ah looga faa’iideystaaa biyaha wabiga Nile, ayada oo la raacayo xeerarka caalamiga ah,” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu xusay in 2021-kii uu jiray go’aan ka soo baxay Qaramada Midoobay oo ay ku wada qanacsan yihiin dalalka uu maro wabiga Nile, arrintaasina ay raacsan yihiin.

“Waxaan intaas kuu raacinayaa 2021-kii waxaa jiray Resolution uu UN-ka soo saaray oo labada wadanba ay ku qanacsanaayeen oo ahaa wadamada uu wabiga Nile mara oo idil ay ku qanacsanaayeen oo ahaa si nabad ah oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah in biyaha looga wada faa’iideysto” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey afhayeenka Villa Soomaaliya.

Sikastaba, dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa waxa ay wadaagaan xiriir qoto-dheer oo ku saleysan iskaashi dhaqaale, ganacsi, waxbarasho iyo wax wada qabsi, hase yeeshee wuxuu xumaa shantii sano ee dalka uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.