Shirka Dhuusamareeb 3 oo u xayiran A/Madoobe iyo Deni

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo deegaanada Galmudug ayaa sheegaya in furitaanka wejiga 3-aad ee shirka Dhuusamareeb uu u xayiran yahay kaliya Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo aan weli gaarin magaaladaasi.

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaa ku maqan safaro dalka dibaddiisa ah, waxaana ay arrimo gaar ah u kala joogaan dalalka Kenya iyo Jabuuti.

Sidoo kale waxaa la filayaa inay soo gaba-gabeeyaan socdaalladooda, si ay ay saacadaha soo socda u gaaraan Dhuusamareeb, una furmo shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona ciidamo badan lagu arkayo jidadka muhiimka ah ee magaaladaasi.

Dhinaca kale waxaa Dhuusamareeb haatan xaadir ku ah Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha maamullada HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo marti loo yahay, kuwaas oo xalay kulan hordhac ah ku yeeshay gudaha magaaladaasi.

Shirka Dhuusamareeb 3 oo ah mid aad isha loogu hayo ayaa ka duwan shirarkii hore, wuxuuna ku soo aadayaa, xilli la riday xukuumaddii ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.