Laba qodob oo culus oo uu madaxweyne Farmaajo ku caddeeyey khudbadiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay khudbad u jeediyey Golaha Shacabka ayaa ka warbixiyay Shirka Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ee ku qabsoomay magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan wada hadallada ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka.

Hadalka Farmaajo ayaa yimid saacado kahor inta aanu madaxweynaha u bixin magaalada Dhuusomareeb oo uu ka dhici doono kulankii saddexaad ee shirka Dhuusamareeb, ayada oo la isku dayayo in heshiis laga gaaro nooca doorashada dalka ka dhaceysa.

Hase yeeshee khudbadda madaxweynaha ayaa caddeysay laba qodob oo muhiim ah.

1 – Doorasho qof iyo cod horey ayaa loogu heshiiyey

Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyey in waxa kaliya ee uu doonaya inay tahay in la gaaro heshiis siyaasadeed ku saabsan in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, sababtuna ay in horey loogu heshiiyey oo dowlad goboleedyadana ay ogolaadeen dhowr jeer.

“Horey ayuu u dhacay heshiis siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka, sanadkii 2018-kii Shirkii Baydhabo, kaddib markii guddi ka socda Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ay muddo soo diyaarinayeen, Shirarkii London iyo kii Brussels sidaas oo kale waxaa la isku raacay qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah, halka aad idinkuna ansixiseen sharcigii hagi lahaa doorashadaas.”

Si kastaba, madaxweynaha ayaa u muuqda inuu iska indho-tirayo xaqiiqda ah in dowladda uu hoggaamiyo ay saddex sano iyo bar ku guul-darreysatay inay ka shaqeyso sidii dalka looga hirgelin lahaa doorasho qof iyo cod ah, oo haddii ay sidaas sameyn lahayd, aanu jiri lahayn muranka hadda taagan.

2 – Go’aanka kama dambeysta waxaa leh Golaha Shacabka

Inkasta oo madaxweynaha uu qodobka koowaad ku muujiyey inuusan aqbali doonin heshiis aan ahayn doorasho qof iyo cod ah, haddana wuxuu xaqiijiyey in xitaa haddii uu soo ogolaado uu Golaha Shacabka dib ugu soo celin doono heshiiska noocaas ah, ama mid walba oo lala gaaro Madaxda Dowlad Goboleedyada.

“Waxaa lagama maarmaan ah in Xukuumadda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyaduba ay mar walba wada hadlaan, wada tashadaan, is qanciyaan, lana yimaaddaan qorsheyaal iyo go’aamo siyaasadeed oo awoodda dib ugu celinaya shacabka Soomaaliyeed ee aad idinka matashaan, taas oo sii xoojinaysa in Golahani uu noqdo marjicii arrimaha masiiriga ah ee dalka.”

Halkan waxaan ka fahmi karnaa in madaxweynaha uu laba arrinba isku haleynayo.

A – Xildhibaano badan oo doodaya muddo kororsi oo Golaha Shacabka ku jira

B – Taageerada uu ku haysto guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, oo ay isku xiran yihiin.

Labadan arrinba waxay madaxweynaha siinayaan fursad uu heshiis uusan rabin uga soo qaadi karo Dhuusamareeb, kadibna ku dili karo baarlamanka, isaga oo aan eed lahayn, islamarkaana u muuqan qofka wax diidan inuu isaga yahay ee ay yihiin xildhibaano doonaya inay kursiga sii haystaan.

Dhammaan arrimahan oo idil marka la isku geeyo waxaa muuqaneysa in rajada ah inuu miro dhalo shirka Dhuusamareeb saddex ay tahay mid aad u liidata, ayada oo ay muuqato in madaxweynaha uusan tanaasuleyn, islamarkaana dowlad goboleedyada ayaguna aysan tanaasuli doono. Balse kulamaa muranka iyo khilaafka uu sii ragaado, waxay sii kordhineysa fursadda muddo kororsi ee baarlamanka iyo madaxweynaha.