Dhul ay leeyihiin dad shacab ah oo laga dhisay garoonka diyaaradaha DAYNIILE

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii dhowaan lagu dhowaaqay in dib loo furay garoonka diyaaradaha degmada Deyniile ayaa waxaa isa soo tareysa cabasho ka soo yeereysa shacabka degmadaasi oo ka cabanaya dhul boob baahsan oo lagu sameeyey.

Qaar ka mid ah dadkaasi oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhul ay leeyihiin la burburiyey, kadibna laga dhisay garoonkaasi.

Sidoo kale waxay ku eedeeyeen guddoomiyaha Dayniile, Maxamed Abuukar Jafcar inuu xoog uga qaatay dhulkaasi, kadibna uu falay isaga oo ku daray dhismaha garoonka

Dadweynahan cabashada ah ayaa shaaciyey in dhulkaasi ay dacwaddiisu taallo gobolka Banaadir iyo maxkamadaha dalka, balse aan tabashooda aan weli waxba laga qaban.

Dhinaca kale waxay digniin u direen shirkadaha duulimaadyada, kadib markii diyaaraddii ugu horreysay ay Jimcihii ku degtay garoonka degmada Dayniile, iyaga oo tilmaamay in garoonkaasi uusan aheyn dhul ay leedahay dowladda Soomaaliya, balse xoog looga heysto.

Ugu dambeyn waxay dadkani hoosta ka xariiqeen inay u baahan yihiin cadaalad, si u helaan dhulkooda oo ay sheegeen inuu xoog uga heysto guddoomiyaha degmada Dayniile.