Sawirro: Dekedda weyn ee Muqdisho oo adeeg cusub oo muhiim ah laga hirgeliyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha ra’iisul wasaaraha dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa xalay xarigga ka jaray musawac laga hirgeliyay Muqdisho, kaas oo loogu tala-galay inuu astaan u noqdo maraakiibta iyo doomaha isticmaala xeebaha Soomaaliya, si haddii ay cilad ku timaado ugu soo xirtaan dekedda.

Adeeggan oo ah mid casri ah ayaa bixinaya iftiin xilliyada habeenkii ah, si ay u arkaan Mariibta iyo Doomaha, haddii ay halis dareemaaan.

Mahdi Guuleed Khadar oo daah-furay mashruucaan ayaa sheegay inuu muhiim u yahay dekedda Muqdisho iyo dhammaan maraakiibta isticmaala biyaha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hir-gelintiisa ay ku timid dadaal ay si wadajir ah u bixiyeen wasaaradaha kalluumeysiga iyo dekedaha ee dowladda Soomaaliya.

“Waxa ay inoo tahay farxad aad u weyn in aynu daah-furno musawaca oo ah hagaha maraakiibta iyo doomaha marka ay dabayo dhacaan ama dhibaatooyin kale soo wajahdo, waana meesha ay kusoo hiranayaan si ay usoo gaaraan Dekedda, waana tallaabo muhiim ah, waxaana qalabkaan loo sameeyay hab casri ah, horay ayuu dalka ugu jiray balse haatan ayaa dib loo soo nooleeyay waliba si casri ah” ayuu yiri Mahdi Guuleed Guuleed.

Dekedda magaalada Muqdisho oo dakhli badan uu ka soo xaroodo ayaa sanadihii u dambeeyey ku tallaabsaneysay horumaro kala duwan, waxaana Musawaca xalay laga hir-geliyey uu ku soo aadayaa, xilli haatan xeebaha Soomaaliya ay ka jiraan dabeylo xoogan.