Shir afar geesood ah oo ka socda Dhuusamareeb iyo wararkii ugu dambeeyey

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya inuu haatan shir gooni u socdo Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo Madaxweynayaasha maamullada HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, kaas oo ah mid saxaafaddu ay dibad joog ka tahay.

Shirkan saddex geesoodka ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa caqabadaha hortaagan furitaanka wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb,sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kaloon yahay oo ku sugan gudaha magaaladaasi.

Wararka qaara ayaa sheegaya in shirka sababta uu u furmi la’yahay ay tahay maqnaasha Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo aan weli tegin caasimada Galmudug.

Axmed Madoobe ayaa safar ugu maqan dalka dibaddiisa, gaar ahaan magaalada Niarobi oo uu qaliin caafimaad ku galay, halka Deni oo weli ku maqan dalka Jabuuti.

Labada Madaxweyne ayaa waxaa la filayaa inay soo gabagabeeyaan socdaalladooda, kuna biiraan shirka Dhuusamareeb 3, walow ay saluug ka muujinayaan shirkaasi.

Tan iyo xalay ayaa waxaa mashquul badan laga dareemayaa madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug oo ku wada hoydeen Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha HirShabelle iyo Koonfur Galbeed oo shalay gaaray magaaladaasi.

Shirka Dhuusamareeb 3 oo ah mid xasaasi u ah ayaa waxaa diirada lagu saaraya xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan nooca doorashada ee dalka ka dhaceysa 2020/2021.