Gudoomiyaha Aqalka Sare oo weerar afka ah ku qaaday madaxweyne FARMAAJO

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulahi ayaa madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay inuu jabiyay dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u taalla isagoo kala dhex baxay hadal jeedintiisii golaha shacabka kalfadhigiisii 7-aad.

Cabdi Xaashi wuxuu madaxweynaha ku eedeeyay inuu hadal jeedintiisa shalay ku bilaabay ilaalinta waajibaadka ka saran dastuurka dalka balse uu isaga isla qudbadiisa ku jabiyay sharcigaas.

“Waxaan dhageystay hadal jeedintii madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya uu ka hor jeediyay fadhiga guud ee golaha shacabka kalfadhigiisii 7-aad, kulankiisii gaarka ahaa ee 2-aad, kaas oo dhacay 15 August 2020, hadal jeedinta madaxweynaha wuxuu ku sheegay inuu waajibaad ka saaran yahay ilaalinta dastuurka dalka  iyo shuruucda kale ee dalka u yaal, hase yeeshee isla qudbadiisa dhexdeeda wuxuu si layaab leh ugu xad-gudbay dastuurka dalka” ayuu yiri gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi.

Sidoo kale gudoomiyaha wuxuu madaxweynaha ku eedeeyay inuu xaqiray jiritaanka aqalka sare maadaama uu qudbadiisa ku sheegay in golaha shacabka ay matalaan maamul goboleedyada iyo iney yahiin hay’adda ugu sarreysa ee matalaadda shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Cabdi Xaashi waxaa uu sheegay in hadalkii madaxweyne Farmaajo ee ahaa in golaha Shacabka uu kusoo celin doono waxyaabihii kasoo baxa Wajiga Saddexaad ee Shirka Magaalada Dhuusamareeb uu ahaa mid khalad ah.

“Madaxweynaha miyuusan ogeyn in uu madax ka yahay dal qaatay nidaamka Feederaalka oo leh laba baarlamaan,waxaana ugu baaqayaa in uu akhriyo dastuurka dalka si uu u ogaado qodobada ku xusan awoodaha Baarlamaanka labada Aqal” ayuu mar kale yiri.

Ugu dambeyntii Cabdi Xaashi ayaa sheegay ineysan jirin cid ka hor imaan karta sharciga, isagana uu u taagan yahay ilaalinta sharciga, wuxuuna hadalkiisa kusoo afjaray tix sugaan ah oo uu ku weerarayo hadal jeedintii madaxweynaha, iyadoo hadalkiisa laga dheehan karay inuusan madaxweynaha soo jeedin hadal la deeqsiin karo shacabka soomaaliyeed.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO HADALKA CABDI XAASHI.