Deni iyo A/Madoobe oo qarka u saaran inay qaadacaan SHIRKA Dhuusamareeb 3

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegaya in madaxweynayaasha labada dowlad goboleed ee Puntland iyo Jubbaland laga yaabo iney qaadacaan ka qeybgalka shirka Dhuusamareeb 3.

Sababta ay Labadaan Maamul Goboleed u diidayaan inay ka qeyb galaan Shirka Dhuusamareeb3 ayaa lagu sheegay inay tahay dhawr qodob oo ay rumeysan yihiin hadaan la xalin inaan natiijo laga gari karin shirkaas.

Saraakiil aad ugu dhow dhow madaxweyne Deni ayaa Caasimadda Online u sheegay in qodobada ugu muhiimsan ay ku doodayaan Axmed Madoobe iyo Deni  kuna diidan yihiin inay ka qeybgalaan shirkaas ay kamid yihiin:

  • In dalka uusan laheyn Ra’isulwasaare iyo Xukuumad fullin karto heshiis kasta oo kasoo baxo shirka Dhuusamareeb 3.
  • In hadalkii Madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyey Golaha Shacabka uu ahaa mid ka hor imaanayo natiijo kasta oo laga filan karo shirkaas.
  • Inay meesha ka baxday kalsoonidii lagu qabay madaxweyne Farmaajo marka laga fiiriyo tallaabooyinkii uu qaaday kadib shirkii Dhuusamareeb 1 iyo 2.
  • In Madaxweyne Farmaajo uu meesha ka saaray doorkii Aqalka Sare ee ahaa inuu wakiil u yahay Maamul Goboleedyada isla markaasna kaalintii aqalka sare loo wareejiyey Golaha Shacabka.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa qarka u saaran inaysan ka qeybgelin shirka Dhuusamareeb 3 haddii aan xal laga gaarin dhammaan arrimahaan taagan oo ay u arkaan inay furo u yihiin in natiijo wanaagsan laga soo saaro shirka Dhuusamareeb 3.

Waxaa la rumeysan yahay in haddii Axmed Madoobe iyo Deni ay ku adkeystaan go’aankooda ah inaysan ka qeybgelin shirka Dhuusamareeb 3 ay lagama maarmaan noqon doonto in Beesha Caalamka ay soo farageliso khilaafka Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada.

Madaxweynaha Jubbalanad Axmed Madoobe ayaa ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya halka Saciid Deni uu kusoo wajahan yahay Magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa ku sugan Magaalada Dhuusamareeb halkaas oo ay ku leeyihiin kulamo gooni gooni ah.

Lama ogo halka uu ku dambeyn doono mustaqbalka Shirka Dhuusamareeb oo ay fallanqeeyaasha siyaasadeed aaminsan yihiin inuu furo u yahay waqtiga kala guur ee dalka ku jiro.