Faallo: Gobolka Banaadir ma u diyaarsan yahay doorasho qof iyo cod ah?

Saalax Saciid SabriyeBy Saalax Saciid Sabriye

Gobolka Banaadir waxaa ku yaallo caasimadda dalka ee Muqdisho, waxaa ku nool dad lagu qiyaaso 3 illaa 4m oo ruux, wuxuu ka koobanyahay 17 degmo, waxa uuna leeyahay afar laammi oo waaweyn oo kala ah, Maka Al-Mukarama, Wadnaha, Sodonka iyo Warshadaha.

Dowladihii Cabdullahi Yusuf AUN, Shariif iyo Xasan Shiikh waxey xoogga saarreyn sugidda amniga waddada Maka Al-Mukarama kaliya oo ay ku yaallaan xarumo dowladeed iyo guryo ay madax daggantahay, mana ku guuleysan.

Dowladda hadda jirta ee Farmaajo waxey qad-cagaarran dhex dhigtay afartii Laammi oo ay seddex dhinac iska dhigtay, halna dhan, ka dib weerarro joogta ah oo lagu ekeeyay xarrumo dowladeed, Hotello ay madax daggantahay iyo gawaari ay masuuliyiin saarranyihiin!.

Waxaa darriiq walba oo soo galo laammigaas lagu jaray dhagaxaan iyo carro si aan la iskugu gudbin, una nabad galaan madaxda isticmaasho waddadaas iyo kuwa daggan hareeraheeda.

Waxaa waqtiyo isku dhow dhulka la dhigay xarrumaha degmooyinka kala ah Wadajir, Hodan, Howlwadaag iyo Wartanabadda ka dib qaraxyo ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday, waxaana ku geeriyooday dad fara badan.

Guddoomiyihii gobolka iyo masuuliyiin kale oo ay ku jiraan guddoomiyaal degmo oo dhex joogo xaruntii laga maamulayay gobolka ayaa lagu dhex qaarijiyay, mana jirto cid dusha saarratay masuuliyadda dayacaas amni.

Masuuliyiinta gobolka kuma dhiirran karaan in ay tagaan ama ku hoydaan meel ka baxsan laammigaan dheer ee dhagaxaanta lagu jaray, waxaase la arkaa iyagoo si dhuumaaleysi ah ku tago mararka qaar, waxeyna wataan ciidan fara badan iyo Kaamirooyin lasoo hubiyay tayada muuqaalada iyo sawirrada ay qaadayaan, saarranna gawaarida aan xabbaddu karin.

Waa gobol lagu dhiirran karo, ayna ka dhacday in Xabsigiisii ugu weynaa ay ka dhex dagaalamaan maxaabiis ku xirneed oo si fudud gacanta ugu dhigay hub, illaa markii dambe ay qaarkood ka baxsadaan xabsiga.

Shaqaalaha dowladda hoose iyo kuwa dowladda dhexe intaba kuma hoyan karaan inta badan degmooyinka gobolka, wayna ka cabsadaan xitaa in la oggaado inay dowlada u shaqeeyaan, waxaa qaalli noqday guryaha ku yaallo xeen-daabka jidkan xiran, halka ay raqiis yihiin guryaha ku yaallo degmooyinka ka baxsan.

Guddoomiyaha gobolka wuxuu ku yimaadaa rabitaanka madaxweynihii markaas qabta xilka, waqti iyo qarash badan lama galsho sugidda amnigiisa, waxaa jirra musuqmaasuq baahsan, wuxuuna mid walba xilka ka dagaa amniga gobolka oo taggan meel ka xun halkii uu taagnaa markii uu kursiga ku fadhiisanaayay.

Waa sax gobolka wuu u baahanyahay guddoomiye ay dadkiisa soo doortaan, si uu u yeesho cid lagula xisaabtamo amnigiisa, dhisidda laammiyadiisa, tayada waxbarashiisa, bad-qabka caafimaadka dadkiisa iyo waxyaabo kale oo badan, waase goorma?!.

Cumar Filish wuxuu sheegay in uu aaminsanyahay in la qaban karo doorasho qof iyo cod!, laguna qaban karo gobolka aan xaaladdiisa kor kuso xusay, cid ay ka qarsoontahay heerka amni xumadiisana aysan jirin!.

Wuxuu sheegay magacaabistiisa ka dib, in uu isku furi doonno jidadka gobolka, amnigana loo sugi doonno si ka duwan qaabkaan qab iyo qaraxa ah, mana dhicin maanta oo ay sannad jirkiisii ka harsantahay 7 cisho oo kaliya.

Badi dadka ayaa qaba in Cumar sheegidda runta ay kaga sahlanaatay raalli gelin madaxweyne Farmaajo, isagoo maanka ku haayo in uu ku fadhiyo kursi dhiig leh oo uu salka dhigtay 21 maalin ka dib geeridii Eng. Yariisoow AUN, oo lagu qaarijiyay gudaha aqalka looga arrimiyo gobolka.

W/Q:- Nuune Ali Hassan.

kala xiriir Facebook https://www.facebook.com/habeysane1