Muqdisho: Shil geystay dhimasho iyo dhaawac

Muqdisho (Caasimada Online) – Shil geystay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho  ee Caasimadda Soomaaliya gaar ahaan Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Gaari nooca xamuulka qaado oo siday bagaash kala duwan ayaa mar qura ku farriin goostay goobo ganacsi oo ku yaala Isgoyska Bakaaraha.

Darawalka Gaariga ayaa la sheegay inuu xakameyn waayey gaariga dhawr jeerna uu isku dayey inuu xakameeyo gaariga balse ugu dambeyn wuxuu gudaha u galay goob ganacsi.

Seddex ruux ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen shilkaan, halka 8 kalana ay ku dhaawacmeen sida ay Caasimadda Online u sheegeen goobjoogayaal.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda iyo Maamulka Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa gaaray goobta, iyagoo wada dadaalo lagu bixinayo gaarigii galay goobaha Ganacsi, waxaana sidoo kalena halkaas buux-dhaafiyay boqolaal qof.

Shilalka noocaan oo kale ah ayaa ku badan gudaha Magaalada Muqdisho, waxaana taas sabab u ah gawaarida xamuulka ah oo lagu raro cabir ka badan inta uu qaado iyo Gawaarida xamuulka qaado oo ah kuwa duqoobay.