QM iyo Turkiga oo si adag u cambaareeyey weerarkii shalay ka dhacay Muqdisho

Muqdisho(Caasimada Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxa si adag loogu cambaareeyay weerarkii xooganaa ee shalay ka dhacay xeebta Liido, gaar ahaan hotelka Elite ee magaalada Muqdisho.

Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay aad uga xun tahay weerarkaas oo ay ku dhinteen dad badan oo isugu jiray shacab iyo mas’uuliyiin.

Sidoo kale QM ayaa Tacsi u dirtay qoysaskii iyo ehelladii ay dadkooda ku geeriyoodeen weerarkaasi.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad u adag u cambaaraynaysaa weerarkii lagu qaaday Hotel Elite ee Magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku naf waayeen kuna dhaawacmeen dad aad u badan. Qarmada Midoobay waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoysaskii iyo ehelkii dadka dhibaatadu soo gaartay.” ayaa lagu yiri Qoraalka QM.

Dhanka kale Turkiga ayaa si ka hadlay weerarkan, isaga oo si kulul u cambaaraayey,kadib warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumadda Ankara ay si xooggan u dhaleeceyneyso weerarka lagu qaaday hotelka Elite ee magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay tacsi tiiraanyo leh u direyso dowladda Soomaaliya iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, waxana ay naxariista Alle u rajeysay dadkii ku geeriyooday qaraxa, kuwa ku dhaawacmayna inuu siiyo caafimaad deg-deg ah.