Sawirro: Taiwan oo si rasmi xafiis uga furatay Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Taiwan ayaa maanta si rasmi ah xafiis cusub oo diblumaasiyadeed uga furatay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Hir-gelinta xafiiskan ayaa yimid, kadib markii ay dhowaan heshiis rasmi ah ay kala saxiixdeen labada dhinac oo wakiilo is-dhaafsaday.

Sidoo kale munaasabad lagu daah-furayey xafiiska ay Taiwan ka furatay Hargeysa ayaa lagu qabtay magaaladaasi, waxaana ka qeyb-galay wasiiro ka tirsan xukuumadda Biixi.

Waxaa sidoo kale qadka Internet-ka uga qeyb-galay xafladdaasi wasiirka arrimaha dibadda Taiwan, wuxuuna sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay furitaanka xafiiskaas.

Dhankooda wasiirada Somaliland ee madasha ka hadlay ayaa tilmamay in xafiiskan uu sii xoojin xiriira ka dhexeeya labada dhinac.

Arrimaha ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ay si weyn uga soo horjeesteen xiriirka dhex-maray maamulka Somaliland iyo Jasiirada Taiwan.