Shirka Dhuusamareeb-3 iyo dhambaalka safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Tan iyo yagleeliddii dowladihii ku meel gaadh ka ahaa ee Soomaaliya soo maray, waxaa qasab ahayd mar ba meel ka baxsan Soomaaliya in lagu shiro, Soomaalida shirka ka qayb galaysana in loo dhexeeyo. Laakiin, 10-kii sano ee u dambeysay xaaladdu waa isa soo beddalaysay. Waxaana la marayaa heer hadda, guri ka mid ah Guryaha Soomaaliya lagu wada tashanayo, 3 jeer na la isugu yimid, isaga oo aan wax buuq iyo is afgarn waa ahi dhicin, hadduu dhacana kolba tallaabo hore la qaadayey. Galmudug markii la dhisayey hadda dad baa lahaa waxani suuro gal ma aha, waase suuro gashay oo wataas maanta Horyaalka Maamul Goboleedyada Hoggaaminaysa, hoyga nabadda iyo xasiloonnida Siyaadsadeedna noqotay. Waloow qofba dhinac ka eegi karo.

Dulucda haddalkaygu waxa ay tahay. Hadalka ka soo yeedhay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya aad buu u khadhaadhaa marka la eego luuqaha Diblumaasiyadda Casriga ah (Modern Diplomacy Languages). 

Sida Caadiga ah Safiirka dal loo soo diraa waa masuulka ugu sarreeya ee u metela Madaxweynaha dal kasta, laba siyaabood ayuuna Safiirku u gudan karaa howlihiisa, midda koowaad waa in uu dhisayo khibraddiisa iyo xidhiidhkiisa shakhsiga ah (ma khuseyso labada dhinac midna), midda labaad waa inuu guto waajibaadka Dowladdiisa iyo Dowladda uu la joogo ay saareen. Dowladduna waa isu soo diraan Dhambaallada Siyaasadeed dan dooniba hallaga yeeshee.

Haddaba, labo qaab ayaa farrimaha badanaa la isu weydaarsan karaa: Mid qaboow oo wada hadal ku dhisan; si fool-ka-fool ah ama dadban labadabana waa la isu weydaarsan karaa, hannaanka labaad waa mid qallafsan; oo bannaanka loo soo saaro wixii laga wada hadlay, sida tan Yamamooto hadda sameeyey, waxayna ku imaan kartaa marka la isu awood sheeganayo. Marka ay tan danbe dhacdo waxaa ay Dowladaha qaar sameeyaan inay si cad isooga celiyaan Dowladda Farogelinta Sameeya, sida inay dhambaal jawaab ah diraan, inay si kale ooga jawaabaan (inay caydhiyaan Saraakiisha dhambaalka hore soo diray, tusaale sidii Haysom lagu sameeyey oo ah hannaan sharci ah).

Waxaan ku soo gunaanadayaa, wadahadalka Dhuusomareb 3, waxa uu go’aamin karaa jihada dalka ee doorashooyinka qaranka si kasta oo lagu heshiiyo ayaa maslaxo u ah dadka iyo dalkaba, wixii xal ah iyo wixii xaq ahba, waxaan soo dhaweynaynaa wixii dan noo ah, horusocodna dalkan u ah.

Bal aan isha ku haynno!

Irshad Maxamud Sheekh Dahir (Tubeec) – Waxaad kala xiriiri kartaa Email: Murshad145@gmail.com WhatsApp: +252619109222

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid