Askari ka tirsan ciidamada SOMALILAND oo la toogtay

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Awdal ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay askari ka tirsanaa ciidamada Somaliland toogasho lagu dilay, xilli uu ku sugnaa tuulada Tuurka oo ka tirsan degmada Lughaye ee gobolkaasi.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabo jiray, Saleebaan Cabdullahi Jaamac Ducaale, waxaana uu ka tirsan Ciidamada Millateriga maamulka Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in dilka uu fuliyey, isla akari kale oo ka tirsan ciidamada Somaliland, kaas oo toogasho ku dilay marxuumka isaga oo hurdayey ama jiifay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in askariga dilka geystay oo isku dayey inuu baxsado, balse ay ciidamada ammaanka ku qabteen deegaano u dhexeeya Beeyo-Cadaado iyo Gargaara, iyadoona loo taxaabay saldhigga Booliiska Gargadadar ee Gobolka Awdal.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee loo dilay askariga geeriyooday, balse saraakiisha Somaliland ayaa shaaciyey inay haatan wadaan baaritaano dheeraad ah.

Si kastaba ha’ahaatee ma’ahan markii ugu horreysay ee ay dil dhexdooda ah isu geystaan ciidamada Somaliland ee ka howl-gala deegaanada maamulkaasi