Madaxweyne Donald Trump walaalkiis oo geeriyooday

New York (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in walaalkiis ka yar Robert Trump uu geeriyooday habeenkii Sabtida, maalin kadib markii madaxweynaha uu ku booqday Isbital ku yaalla New York.

“Waxaan aniga oo aad u murgsan idinla wadaagayaa in walaalkeygii cajiibka ahaa, Robert, uu caawa si nabdoon u geeriyooday. Ma ahayn oo kaliya walaalkey, waxa uu ahaa saaxiibkeyga ugu wanaagsan. Aad ayaa loogu xiiso doonaa, balse dib ayaan u kulmi doonaa. Xusuustiisa waxay abid ku nagaan doontaa qalbigeyga. Robert, Waan ku jeclahay. Nabad ku nagow,” ayuu Trump ku yiri bayaan uu soo saaray.

Robert Trump, oo ahaa 71 jir, islamarkaana saddex sano ka yaraa madaxweyne Trump, ayaa waxaa uu ahaa ganacsade ka shaqeysta horumarinta hantida ma guurtada ah.

Robert oo ahaa qofka ugu yar qoyska Trump ayaa aad ugu dhowaa madaxweynaha oo 74 jir ah, wuxuuna bishii June isku dayey inuu codsi maxkamadeed ku joojiyo buug ay qortay gabar uu Trump adeer u yahay oo kashifay sirta qoyskan.

Illaa iyo hadda lama shaacin faah-faahin ku saabsan xanuunka uu u geeriyooday Robert, waxaana mar ay weriyayaasha weydiiyeen uu madaxweynaha diiday inuu jawaab ka bixiyo.