Furitaankii safaaradda SOMALIA ee Mareykanka oo la qabyaaladeeyey (Maxaan kusoo arkay?)..!!

Waxaan 18-kii bishan ka qeyb galay, oo aan xalay kasoo laabtay munaasabaddii dib loogu furay safaaradda Soomaaliya ee dalka Mareykanka oo ka dhacday magaalada Washington DC.

Waxay ahayd munaasabad weyn iyo maalin Soomaalida qiimo u leh, waxaase layaab igu noqotay in furitaanka safaaradda ay ahayd arrin ku kooban beel gaar ah, oo Soomaalida aan si siman looga wada qeyb-gelin.

Ka qeyb galka munaasabadda waxaan uga tagay magaalada Minneapolis, kadib marki ay casuumad i siiyeen dad aan isku dhownahay oo ku beel ah safiirka Sooomaaliya ee Mareykanka Axmed Ciise Cawad.

Waxaan munaasabadda ka dareemay in qiyaastii 85% dadkii ka qeyb galay ay ahaayeen dad ku beel ah safiir Axmed Ciise Cawad.

Waxaan sidoo kale la kulmay dad degan hareeraha Washington DC oo ii sheegay in loo diiday ka qeyb galka munaasabadda, balse taa beddelkeeda la casuumay dad badan oo ku sugan Minneapolis oo ku hayb ah safiirka, kuwaasi oo diyaarad usoo raacay munaasabadda sideeda oo kale.

Intii ay munaasabadda socotay waxaa dhowr mar dhagaheyga kusoo dhacay “Waxaa nala joogta marawada madaxweynaha” waxaana kadib raadiyey xaaska madaxweyne Xasan Sheekh, si aan ula kalmo. Balse markii aan waayey, ayaan ogaaday in marwada madaxweynaha loola jeeday xaaska Cabdi Weli Gaas, taasi oo aan aamini waayey.

Ma ahan wax dhib ah in xaaska Gaas ay ka qeyb gasho munaasabadda balse in loogu yeero marwada madaxweynaha, oo aan la oran marwada madaxweynaha Puntland, waxay ii muujisay in dadkii maamulka munaasabadda waday ay madaxweyne u aqoonsanaayeen oo kaliya Gaas.

Waa wax laga xumaado in maalin sidaas ugu weyn Soomaalida qabyaalad darteed iyo nin jecleysi loogu cayaaro. Soomaalida allaha ka daweeyo qabyaaladda xargaha goosatay.

W/Q: Xaaji C/salaam Axmed Yuusuf
Minneaplis, Minnesota, USA

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com