Fursad ay bixisay dowladda madaxweyne Xasan oo sii naaxinaysa Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa toddobaadyadii u dambeeyay kor u kacay weerarada ay kooxda Al-Shabaab kusoo qaadayaan deegaanadii hore looga xoreeyay iyo xeryaha ciidanka.

Weeraradan ayaa waxa uu dowladda u dirayaan hal farriin, taas oo ah “waa in aan la sugin argagixisada.”

Dowladda wax dagaal culus ah kuma qaadin kooxda wax toban bilood ku dhow, marwalba oo aan kooxda weerar ku socon waxaa dhaceysa inay iyagu duullaan soo qaadan, sida dhacday xalay iyo maalmo kaleba.

Xalay waxay maleeshiyaadka Al-Shabaab weerar ku qaadeen deegaanka Buula Xaaji oo ay maalin kahor qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta ee maamulka Jubbaland, isla-markaana uu aad ugu farxay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo soo dhaweeyay xoreynta deegaankaasi.

Xubno ka tirsan kooxda ayaa lasoo wariyay in weerar aarbushaad ah ay ku qaadeen deegaankan oo hoostaga magaalo xeebeedka Kismaayo, waxaana kadib xigay dagaal kooban oo dhex-maray labada dhinac.

Khubarada amniga waxay leeyihiin ciidanka amniga difaac iskagama jiri karaan ee waa in la dadajiyaa sidii loo bilaabi lahaa wejiga labaad ee dagaalka.

Fursadda dagaal la’aanta ee ay bixiso dowladda Soomaaliya waxay argagixisada u leedahay faa’iido badan oo ay ku raadsanayaan dhalinyaro cusub, abaabulka weeraro gaadmo ah iyo inay maskax ahaan usoo kabtaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dhowr jeer sheegay inuu ku laabanayo furimaha dagaalka oo uu dib u hoggaamin doono dagaalka, laakiin weli waxba ma hirgelin.

Maalin walba oo uu dib usii dhaco duullaanka ay qorsheynayso dowladda Soomaaliya, argagixisada waxay ku qabtaa faa’iido. Waxaa madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya loogu baaqay inay ruuxdii dagaalka dib u kiciyaan, si loo soo afjaro argagixisada waqtiga badan dhibaatada ku haysay umadda Soomaaliyeed.