Makkah (Caasimada Online) – Ugu yaraan 14 qof oo u dhashay waddamada Hindiya, Masar, Pakistan iyo Indonesia ayaa lagu xiray boqortooyada Sacuudiga.
Raggan ayaa lagu eedeeyay inay xayaysiinayeen kaararka aqoonsiga Xajka oo been abuur ah, sida ay shaacisay shabakadda wararka Xaramka ee Inside Haram.
Ciidamada ilaalada goobaha barakeysan ayaa soo xiray shakhsiyaadkan lagu eedeeyay iibinta kaaararka been abuurka ah, iyada oo la sheegay inay Sacuudiga ku joogeen dal-ku-gal booqasho.
Dowladda Sacuudiga ayaa horey digniino adag uga soo saartay dadka ka been abuuraya adeegyada Xajka, si ay dhaqaale uga sameeyaan.
Shakhsiyaadka lagu qabto musuq-maasuqa Xajka ayaa muteysan doona xarig, musaafurin, ganaax lacageed, maxkamadeyn iyo la wareegid hantidooda, sida ay horey u sheegtay dowladda Sacuudiga.
Ilaalada Xujeyda ayaa sidoo kale ka digtay in xujeydu ay ka socdaan iyada oo aan wadan aqoosigooda.
Illaa hadda, in ka badan 1.3 milyan oo Xujey ah ayaa gaaray Boqortooyada Sacuudiga.