Fursadaha iyo caqabadaha horyaalla Mustaf Cagjar

Markii madaxweynaha cusub ee Somalida Ethopia lamagacabay, Somali badan ayaa rajo kamuujiyay in degaanku helay fursad weyn, kadib 1991, walow uu wali mugdi kujiro qaabka ay usaldhigan doonto siyaasada Ethopiayada cusubi. Hadaba aan qodobeeyo inta aan isleeyahay waa caqabad ama fursad ee horyaal hogaanka cusub.

Taariikhda dhow ee degaanka

Deganka Somalida ee Ethopia waaa mid dadka soomaliga kuhadla dareen khaas ah kuleh. Dad badan oo Somali ah baa kuwaayay dad, nool iyo mood. Dadkaas oo iskugu jira kuwa daagaan ah iyo kuwo Somaliweyn daganba. Sababihii dowladii dhexe ee Somalia ay kuburburtay qeyb weyn waxaa kulahaa guuldaradii dagaalkii cadiifiga lagugalay ee 1977.

Markii dowladii Mengistu latuuray, isbadelkii kadhacay Ethopia 1991, degaanka Somalida Ethopia wuxuu helay fursad uu Ethopiyadii cusbeed dhismaheedii iyo maamulkeedaba qeyb weyn kacayaari karay. Jabhadii ONLF oo markaa xaga siyasada ku mataleysan degaanka fadhiyadii siyaasadeed ee Ethopiyada cusub lagu yagleelayay ayaa la imaan talo waaqica ah oo degaanku ku helo maqaan weyn oo siyaasadeed. Taas badelkeedii waxaa dhashay kalaqeybsanaan Somalida kutimi, iyagoo dadkii isku maslaxada ahaa hoos isu eegay, kadibna hankii weynaa ee shucuubtu laheyd baa burburay.

Waxaa taas dheeraa, hamigii xarakooyinkii diimaha ahaa oo burburkii dowladii dhexe ee Somaliya kadib yeeshay awood badan oo gaaray in dhulka Somaliweyn dagto oo dhan isku balaariyaan oo ay kujirto dhulkan Ogadenya. Waxayna taas fursad siisay qoloyiinkii markii horeba aan rabin in degaankani xasilo oo helayna qiil dadka lagu caburiyo.

Xaladii degaanka ayaa meeshii ay taagneyd dowladii hore ee Mengistu kunoqotay. Walow imaanshihii Cabdi Illey uu dagaanka maqaamkiisa siyaasadeed kor  usoo kacay; isagoo yeeshay ciidan, calan, luqada somaliga oo dugsiyada lagu barto iyo kabayaal dhaqaale oo dhismay. Balse dhinaca kale wuxuu maamulkan Illey abuuray caburin, xasuuq iyo xabsiyeen aanan xad leheyn, taas oo sii wiiqday walaalnimadii dadka iyo xasilinoodadii degaanka.

Hadaba hadaad milicdo Ethopiyadii 1991 qowmiyadii marka talada wadanka qabatay waxa ay aheyd Tigray oo ah qowmiyad Somalidu abaal badan kulaheed, iyagoo wakhtigii ay jabhada ahaayeen Somaliweyn lagasiiyay degaan, waxbarasho iyo dhalasho oo Basaborka Somalida ayeey kusafri jireen. Sidaan oogu lisnay nooguma aysan hanbeyn, taliskaa Tigray ee Zinawi hogaminayay wuxuu awood galiyay inuu kala qob qobo somalida oo markii horeba kala irdhowsaneyd, wuxuu iskugu dhiibay hub wuxuuna xaqiijiyay ineysan waligood qaran awood kuleh Geeskan Afrika noqon.

Hadaba wixii dhacay 1991, tan maanta xagee ayeey ooga egtahay. Kacadonkii sanadkan kadhacay Ethopia oo ay hormuud u ahaayeen Oromodu waxaa laga dhaxlay in Oromo hogaamiyaan Ethopia markii oogu horeysay taariikhda. Sanadihii ay caburinta kujireen, dadka Oromadu dhulka balaaran oo ay Somalidu dagto ayeey usoo qaxeen. Waligood cadownimo kalama aysan kulmin Somalida, waloow Somalida dhexdeedu aysan mararka qaarkood iyagu is amaangalin. Qeybo kamida qowmiyada Oromada baa aad udhexgalay oo ay isguursadeen Somalida. Balse qul quladihii bilihii dhowaan dhacay ayaa lagu xasuuqay Somali badan, dadkii xasuuqaa qeybta weyn kaqaatay waxa ay ahayeen Oromadii Somalida kudhex noolaa. Wali qof loo soo taagay danbiyadaa dhacay ha ahaadeen madaxdii askarta ama maamulka Oromoda majiro. Tani waxay mugdi galin kartaa sida Somalidu ku aaminto dowlada dhexe ee Ethopia.

Fursadaha Jira ee Hogaan Cusubi Madaxweyn Cagjrar Heysto

Walaow wakhtiga uuu hogaanka hayn doono Cagjar ay tahay 2 sano oo qura hadana aan dulmaro fursadaha jira.

  1. Dhaqaalaha

Dagaanka waxaa lagu qiyaasaa iney dagan yihiin 8M oo somali kuhadasha, waana degaanka labaad xaga tirada iyo dhulkaba oogu baaxad weyn Ethopia, waxaa taas udheer juquraafi ahaan meesha uudhaco oo aad umuhiim ah. Degaanku wuxuu isku xiraa Ethopia iyo Somalia, Jabuuti, Kenya. Waana tan kadhigikarta in uu noqdo xaruun ganacsiga ee Geeska Africa, maadama Ethopia ay tahay wadanka Geeska Africa oogu dadka badan, halka Somalia ay leedahay xeebta oogu dheer Africa, Jabuutina ay kutaal dakada oogu casrisan Africa, Kenyana ay tahay suuqa sadexaad ee dhaqala oogu weyn Africa (South-Africa and Negeria kadib).

Dhamaan arimahan aan soo sheegnay waxay kutusin muhiimada dhaqale ee degaanka Somalida Ethopia leeyahay. Hadaba qaabkee fursadani looga faaideysan karaa:

  1. Madaxweynuhu waa in uu layimaado han weyn iyo qorsho cilmiyeeysan si uu kuhananto shacuubta tirada badan ee Gees Africa awooda dhaqaale kuleh ee kuhadasha somaliga. Ganacsi badan ayeey dadka Somalida kuleeyihiin caalamka meelo badan, hadey helaan maamul kacaawiya xaga farsamada waxaan qabaa in xaarumo ganacsi ay kafuran lahayeen degaanka iyagoo maanka kuhaya suuqa weyn ee ganacsi ee kajirta Ethopia. Si aysan udhicin khaladka kajira Kenya oo maalgashiga soomalida aad oogu yaryahay degaanka Somalida, waa in degaanka Somalida Ethopia lagahelaa tasilaadyadii ganacsigu ubaahnaa. Degaanka wuxuu leeyahay koronto jaban, biyo iyo dhul beereed, wuxuu fursad uyahay shirkado badan oo ka ganacsata Somalia, Jabuuti iyo Kenya oo kadhisan kara warshado iyo xaruumo wax soosaar (Production Lines).
  2. Inuu udub dhexaad unoqdo xiriirada ganacsiga (bilateral business agreements) ee dhexmara Ethopia iyo darisykeeda, maadama degaanku meesha uu kuyaalo ay xudunta tahay. Matalan iskuxirka ganacsi ee Somaliya iyo Ethopia yeelaneyso ama Ethopia Jabuuti iyo Kenya yeelaneyso waa in Dageenku qeyb kayahay oo uu noqdo wadada lasoo marsiiyo alaabta kabaxeysa ama galeysa Ethopia.
  3. Inuu degaanka uu wax kahelo mashruucyada waa weyn ee Ethopia kasocda. Ilaa iyo iminka mashruuc weyn degaanka kama qabsoomin, walow ay Ethopia kadhismeen warshado badan oo wax soo saara, khad train iyo kaabyaal dhaqale oo badan.
  4. Xagga Siyasada
  5. Waa inuu dowladiisa iyo xisbigaba kusoo daraa dad aqoon durugsan iyo khibradba uleh xaalada degaanka kujiro. Waa ineysan noqon sidii hor udhacday dhalinyaro suit and tie soo xirtay oo khibrad maamuleed laheyn gacanta loogaliyo xafiisyo muhiim u ah dadka iyo degaanka, waa in ladoonaa ruug cadayadii iyo waayo aragii aan Madaxweyne Cagjar ka miisaan yareen.
  6. In Madaxweynuhu yeesho khuburo sharci yaqaan oo darsa nidaamka federalka Ethopia ee hada jira, sii loo lafaguro inta caqabadka ku ah Degaanka. Waayo sharciga federalka ee Ethopia siduu uqoran yahay waa si aad ooga sareysa sida wadanka iminka lagu maamulo. Marka Madaxweyne Cagjar wuxuu ubahanyahay in waxkastoo awooda degaanka iyo mansabka shacuuqta kor uqaadikara oo kuqoran sharciga federal kudhiiranado in sida ay uqoranyihiin loo fuliyo, sharciyada aanan degaanka u adeegeyna uu layimado farsamadii iyo wadaxajoodkii meesha looga saari lahaa.

Gunaanad

Madaxweynuhu waa inuusan ahaan madaxweynaha Jigjiga oo kaliya, waa in magaaloyinka degaanka kuwada hoydaa oo soo arkaa xaaladaha kajira.

Waa inuu degaanku si mugleh oola shaqeeeya walaalaha dariska la ah Jabuuti iyo Somalia. Khusuusan waa inuu kuqanciyo maamulka iyo dijaarta Jabuuti in sida kaliya ee danahooda dhaqale ee Ethopia ay ku ilaalsan karaan ay tahay maamulka Somalida Ethopia oo awood leh mid dhaqaale iyo siyaasadeedba. Sidaa awgeed waa in ay qeyb weyn kaqaataan horumarka degaanka Somalida ee Ethiopia.

W/Q: Axmed Xaaji

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid