Cadaado (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Gen. Cabdullahi Gaafow Maxamuud, ayaa dhaqaale xoogan ku bixinaaya sida uu Baarlamaanka Somalia uga sii mid noqon lahaa Walaalkii Xildhibaan C/qaadir Gaafow Maxamuud oo kursigaasi muran laga galiyay.
Gen. Gaafow ayaa la soo warinayaa inuu kulmiyay Odayaasha miisaanka ku leh Beesha Murusade, iyagoo ku doodaya in C/qaadir Gaafow uusan musuq-maasuq kusoo gaarin kursiga Xildhibaanimo.
Odayaasha uu garabsanaayo Gen. Gaafow ayaa waxaa kamid ahaa Nabadoonka guud ee Beesha Foorculus, Murudsade Nabadoon Xasan Axmed Sabriye ”Xasan Madoobe” oo sheegay in kursiga C/qaadir Gaafow uu yahay mid kamadax-banaan musuq.
Nabadoonka guud ee Beesha Foorculus, oo ka duulaya qorshaha uu wato Gen. Gaafow oo ah Taliyaha NISA, ayaa beeniyay in musuq-maasuq lagu soo doortay Xildhibaan C/qaadir Gaafow Maxamuud, oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Hoose ee toddobaadkii hore lagu doortay Magaalada Cadaado.
Nabadoon Xasan Axmed Sabriye oo xubin ka ah 135-ta oday, isla markaana tixraacaya dalabka Taliyaha NISA ee lagu badbaadinaayo C/qaadir Gaafow ayuu Nabadoon Xasan sheegay in shakhsiyaad dano gaar ah wato ay Guddiga Doorashooyinka, Xalinta Khilaafaadka iyo Beesha Caalamkaba soo gaarsiiyeen carqaladeen ka dhan ah kursiga Beesha Habarceeno, oo 17-kii bishan loo doortay C/qaadir Gaafow Maxamuud.
Nabadoon Xasan Madoobe, oo kasii ambaqaadaya maslaxada qoyska reer Gaafow, ayaa sidoo kale beeniyay in xarig lagula kacay ka Nabadoon ahaan, intii uu ku sugnaa Magaalada Cadaado, loogana diyaar-garowbaayay doorashada kursigan, balse waxaa uu qiray in uu jiray isku dhac kooban oo dhex maray ciidan uu watay nin musharax ah iyo Ilaalada Xarunta Doorashooyinka.
Nabadoon Xasan Madoobe oo qaadanaaya talada Taliyaha NISA ee walaalkii lagu dhagan yahay ayaa soo saaray Warqad uu ku beeninaayo in C/qaadir Gaafow Maxamuud lagu doortay qaab Musuq-maasuq.
HOOS KA AKHRISO WARQADA CADEYNTA EE LAGU BADBAADINAYO GAAFOW WALAALKII


