28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Wasiir Khaalid oo soo bandhigay musuqii ugu xumaa ee loo geystay kursiga beeshiisa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha arimaha dibada Soomaaliya ayaa cabasho balaaran ka muujiyay musuq maasuq lagu sameeyay doorashada kursiga beeshiisa.

Wasiirka ayaa sheegay in kursiga uu ku tashanayay inuu kusoo baxayo uu noqday mid la musuq maasuqay islamarkaana laga been abuuray magaciisa.

Khaalid Cumar Cali, wuxuu sheegay in ergo been abuur ah laga kaxeeyay Muqdisho islamarkaana doorasho ay ka sameeyeen magaalada Baydhabo.

Wuxuu sheegay in ergada doorashada sameysay ineysan aheyn ergadii saxda aheyd ee uu diiwaan geliyay Ugaaskooda loona qeybiyay kaararka aqoonsiga.

“Ergada saxda aheyd wax maysan dooran, kuwii saxda ahaana markii Muqdisho ka bixi lahaayeen waxaa diyaarada qaadeysay la amray ineysan qaadin ama leysanka lagala laabanayo”ayuu yir Khaalid.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dhibaatadaasi ka dambeeyaan gudiga doorashada ee maamulka Koofur Galbeed.

Sidoo kale xubno ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ayuu sheegay iney ku lug leeyihiin Musuqa dhacay, maadaama ergada diyaaradii Muqdisho ka qaadi laheyd amar lagu siiyay ineysan ergadaasi soo qaadin.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News