25.5 C
Mogadishu
Tuesday, January 20, 2026

Xog: Garoonka Muqdisho oo lagu arkay madaxweyne dalkiisa dagaal iyo xasuuq ka geystay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Dowlada Somalia ay marti galisay Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalka Koonfurta Sudan Riek Machar iyo Qoyskiisa oo baxsad ka ah Madaxweynaha South Sudan Salva Kiir.

Warar saacadihii ugu danbeeyay leysla dhexmaraayay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hoteelada magaalada ayaa sheegaya in Garoonka Aadan Cadde lagu arkay Riek Machar, Xaaskiisa iyo Carruur dhowr ah ee uu dhalay.

Dowlada Somalia ayaa la sheegay in marti galinta Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalka Koonfurta Sudan Riek Machar iyo Qoyskiisa ay ku dhiiratay kadib markii uu xiriir lasoo sameeyay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Mid kamid ah Mas’uuliyiinta xilalka ka heysa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in si lama filaan ah ay Garoonka Aadan Cadde ugu arkeen Mas’uuliyiin dhowr ah oo ka tirsan Dowlada, gaar ahaan Madaxtooyada Somalia, waxaana xigay in Diyaaradii la sugaayay ay kasoo dageen Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalka Koonfurta Sudan Riek Machar iyo Qoyskiisa, sida uu xaqiijiyay mas’uul ka tirsan Garoonka Aadan Cadde.

Sidoo kale, Sargaal ka tirsan Wasaaradda Arimaha Dibadda Somalia oo u waramaayay Radio Dalsan ee magaalada Muqdisho, ayaa dhankiisa ka beeniyay in Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalka Koonfurta Sudan Riek Machar iyo Qoyskiisa ay kasoo degeen magaalada Muqdisho.

Sargaalkaani waxa uu sheegay inay adag tahay in DFS ay martigaliso Mas’uul dalkiisa soo burburiyay, waxa uuna arrinkaani ku tilmaamay mid mala awaal ah.

Madaxda Dowlada Somalia si rasmi ah ugama aysan hadal warkaani laga hadal hayo inta badan Hoteelada iyo Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, arrinkaani ayaa imaanaya xili Riek Machar laga soo eryay dhowr dal oo Afrikan ah kuwaasi oo Mr Riek Machar u sheegay inaysan qaadi karin mas’uuliyadiisa maadaama uu xiriir kala dhexeeyo Dowlada South Sudan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News