28.6 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Xog ka cusub kiiska wasiirkii fowdada ka kiciyey doorashada Jowhar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr Axmed Cali Daahir, ayaa sheegaya in Xeer ilaaliyuhu uu ku fashilmay kiiska israsaaseyntii dhawaan ka dhacday Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle.

Xeer ilaaliyaha ayaa la sheegayaa in kiiskaasi uu ku fashilmay kadib markii uu howsha baaritaanka ka wadi waayay Beesha Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed C/laahi Xassan Nuur.

Beesha Wasiirka oo kulamo la qaadatay Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa ku taliyay inuu faraha kala baxo Kiiska Wasiir Nuux iyo Musharaxii sababta u ahaa in halkaasi ay ka dhacdo israsaaseynta.

Odayaasha Beesha uu kasoo jeedo Wasiir Nuux, ayaa la sheegayaa inay isku dhaceen Xeer ilaaliyaha Qaranka taa oo sababtay in Odayaashaasi laga soo eryo Xafiiska Xeer ilaaliyaha.

Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr Axmed Daahir uu kiiskaasi dib ugu celiyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Hirshabelle Cosoble oo iyagu watay Wasiirka Musharaxii ka codbadiyay rasaaseeyay.

Kiiska ayaa waxaa hadda faragalin kusoo sameeyay Madxaweyne Xassan, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda Kiiskaasi laga soo saaro Natiijo, waxaana go’aankaasi gaari doona Madaxweyne Xasan.

Dhinaca kale, Wasiir Maxamed C/laahi Xassan Nuux ayaa wali diidan inuu muujiyo Tanaasul maadaama uu weerar ka geystay Hoolka uu shirka ka dhacaayay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News