25 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Gaar bay u leedahay Galmudug! (Akhriso tallaabooyinka ay qaadeen Maamul Goboleedyada ee aan fargelin lagu sameyn)

Bookmark
Bookmarked

Share

6-dii June-2017; Xukuumadda ayaa sheegtay, in ay dhexdhexaad ka tahay khilaafka u dhexeeya dalalka gacanka Carabeed. (Caawa Sucuudi ayuu joogaa, ee ma ka laaban doonaa Formaajo?).

Badi Soomaalida ayaa taageeray, balse, wuxuu ahaa go’aan aan dan Soomaali lagu salayn siday i la tahay, welina aan qabo.

Fiiri dhaqaaleheenna, ganacsigeenna, xawaaladaheenna, xoolo dhoofinteenna, dhoofkeenna iyo waxyaabo kale, dhammaan waxay ku xiran yihiin labadaa dal, mana la tixgelin.

10-June- 2017; jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida u sheegtay ee Somaliland, ayaa ku dhawaaqday, in ay la safantay Sucuudiga iyo Imaaraatka, is la markaana xiriirka u jartay Qadar. Tallaabo mudneed bogaadin marka loo fiiriyo tii ay ka qaateen afgembigii Turki ka dib.

16-kii August-2017; war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada maamul goboleedka Puntland, ayaa lagu sheegay, in maamulku uu xiriirka u jaray Qadar, is la markaana la saftay xulufada Sucuudiga iyo Imaaraatka. Si la mid ah tallaabo soo dhaweyn mudneed.

18-kii September, 2017; ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed, waxaa lagu sheegay, in xiriirka loogu jaray Qadar, laguna waafaqay moowqifka Sucuudiga iyo Imaaraatka ee Qadar. Si la mid ah tallaabo soo dhaweyn mudneed.

20-ka bishan September 2017; Galmudug ayaa noqotay maamul goboleedkii ugu dambeeyay, ee la safta xulafada Sucuudiga iyo Imaaraatka.

Haddaba waa maxay sababta Galmudug oo ugu dambeysay maamul soo saara go’aan ka dhan ah dhexdhexaadnimada xukuumadda dhexe ugu eedeysan tahay dhaqan ay dhammaan maamulgoboleedyadu lahaayeen?.

Hees waxaa jirta la yiraa; “Gaar bay u leedahay Galmudug” oo toddobo gu’ ka hor la qaaday, oo lagu xusahay walxo wanaagsan, oo dhaqan, af, hidde iyo jiritaan bulsho ah, oo lagu ammaanayo Galmudug, ayna dabcan la wadaan Soomaalidu.

Haddaba, maanta marka aad heestaa hab siyaasad ahaan ugu dhaqdo Galmudug, waxay dhab ku noqonee, marka go’aan Galmudug keliya looga dhigo, in ay sharci jebisay, halka maamullada kale, eedayn is ka daaya, aan aragti laga soo saarin go’aankooda!

Garsoorkeenna aragti, maamul iyo wadaag halkan uga tusaale qaado, ka dib waxaad sugtaa waa uun eex iyo jeclaysi degaan, qof, qabiil ama qolo gaar ah!

Middan waxaa lagu go’aamiyey wixii qaldamay Galmudug ayey u gaar tahay!

DHAN.

Bashiir M. Xersi

[email protected]

www.bilediraac.wordpress.com

- Advertisement -

Read more

Local News