Shirkii Cadaado oo si rasmi ah loogu kala tagay, Waraaq lasoo saari rabo iyo Kheyre oo qadka talefoonka ….

Cadaado (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanayo Magaalada Cadaado ayaa sheegayo in lagu kala tagay shirkii halkaas uga socday Xildhibaanada halkaas gaaray iyo Madaxda ugu sareyso Maamulka Galmudug.

Wararka ayaa sheegayo inuu Guddoomiyaha Baarlamaanka go’aankiisa ku adkeystay isla markaasna uu diiday inuu wadahadalka qaato, uuna ku qanci karo kaliya inuu Xaaf xilka wareejiyo ama uu ka laabto go’aankiisa Imaaraadka.

Waxay Xildhibaada halkaas tagay go’aan ku gaareen inay soo saaran war murtiyeed.

Sida aan xogta ku helnay waxaa waraaq ku qori rabaa inay dowladda Soomaaliya qorsheeneyso inay wafdi Berri usoo dirto Cadaado kuwaas oo ay sheegeen inay Marqaati beenaad ka sameyn rabaan Magaalada.

Sida wararka qaar sheegayaan Xildhibaanada Dowladda kasoo jeedo ayaa sheegi rabo inay dowladda Soomaaliya wax wafdi ah usoo diri karin Magaalada inta ay ka caddeeneyso mowqifkeeda ku aadan Galmudug.

Senetal Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa la filayaa inuu waraaqdaas saxaafadda u akhriyo isagoo sheegi doono inaysan dowladda Soomaaliya wax wafdi Magaalada Cadaado usoo diri karin inta ay mowqfkeeda caddeeneyso.

Xildhibaanada qaar ayaa soo jeediyey in la waco Ra’isulwasaare Kheyre isla markaasna loo sheego inuu faragelinta joojiyo, haddii markaas kadib xal la waayana lasoo saari waraaqdaan.

Halka qaar kalana ay soo jeediyeen in Berri subax isku day kale la sameeyo kulan kalana lala qaaato Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, haddii markaas kadib xal la waayana lasoo saaro waraaqda.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu soo wacay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya isagoo u sheegay inuusan marnaba ka tanaasuli karin mowqifkiisa dowladdana ay garab taagan tahaya