Dhageyso: Xidig “Reer Galmudug Waa la din ku soo duulay Maamulkiina in la dumiyo ayaa la rabaa ee isku tashta “”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo ka mida Golaha Shacabka ayaa ka hadlay Xiisadda Siyaasadeed ee ka jirta Galmudug,waxaana uu ku baaqay in Madaxda iyo Maamulka Galmudug ay isku Tashadaan oo ay ilaalsadaan Maamulkooda.

Xildhibaanka ayaa Waxa uu sheegay in Maamulka Galmudug Qaab Siyaasadaysan loogu soo Duulay ay danahooda ka tashtaan shacabka maamulka Galmudug isla markaana aysan cidna aysan ka sugin in maamulkooda ay xaliyaan khilaafad yar yar ee dhax  yaala.

Xiddig ayaa sheegay in Maamulka Galmudug lasoo dhex galay isla markaasna la doonayo in la dumiyo, wuxuuna ugu baaqay madaxweyne Xaaf iyo shacdabka Galmudug inay isku tashtaan iskana difaacaan dadka ku dhex jiro.

Hadalka Xiddig ayaa kusoo aadayo xilli la fashiliyey shirkii ka socday Cadaado oo ay wadeen Xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya iyagoo sheegay inuu kulankaas fashiliyey Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo qadka taleefoonka kusoo wacay Casir.

Hadadba halkaan hoose ka dhageyso hadalka Xildhibaan Xiddig