Xog: Dowladda oo carqaladeyn ku sameyn rabto Xildhibaanada tagay Cadaado iyo guddi xamar lagu diyaarinayo

Cadaado (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Cadaado waxey sheegayeen in la fashiliyay heshiis hordhac ahaa oo ay gaareen madaxda isku qilaafsan Galmudug.

Waxaa la sheegay in sadexda Masuul ee ugu sareysa maamulkaas ay maqribkii caawa heshiis ku gaareen in fowdadii dhacday laga gudbo lagana raali galiyo shacabka dhaqan xumadaas lagana wada shaqeeyo danta deegaanka>

Laakiin markii saxaafadda loo wacay oo la rabay in wax walba la shaaciyo ayaa waxaa madax ka tirsan Dowladda Federaalka ah ay soo waceen madaxweyne kuxigeenka iyo gudoomiyahaha Baarlamaanka waxaana lagu amray iney ka laabtaan heshiiska oo ay mowqifkoodii hore ku adkeystaan, sidii ayey uga baxeen hoolka oo waa ka laabteen go’aankii.

 Xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa ah inay dowladda Soomaaliya Magaalada Muqdisho ka wado ololo lagu doonayo in Berri wafdi uu hoggaaminayo Senator Dhagdheer loo diro Magaalada Cadaado si ay halkaas uga soo sameeyaan qiimeyn, Waxaana arrintaas ka xanaqay Xildhibaanada labada Aqal ee Maanta Halkaas gaaray.

Xildhibaanadaan Berri Cadaado tagi rabo ayaa la sheegay inay doonayaan carqaladeynta waanwaanta ka socoto halkaas.

Xildhibaanada deegaanada Galmudug kasoo jeedo ee Cadaado joogo ayaa ku dhawaaqi rabo inaysan Cadaado kasoo dagi karin wafdiga ay dowladda soo direyso ilaa laga caddeeyo mowqifkeeda ku aadan Khilaafka Galmudug.

Xildhibaanada labada aqal ee Cadaado tagay ayaa ku doodayo inay iyaga ka tirsan yihiin dowladda Dhexe isla markaasna ay iyaga go’aanka ka gaarayaan Masiirka Galmudug, sababta ay dowladda Wafdi ugu soo direysana ay tahay mid laga fahmi karo howsha ay u socdaan.

Wararkii ugu dambeeyey ee hadda Cadaado naga soo gaaray ayaa tilmaamayo in laga yaabo inay dib Berri ugu dhacdo Waraaqda lasoo saari rabay, maadaama la sheegay inay hadda tahay waqti dambe oo aan Saxaafadda la heli karin.

Halka war kalana ay sheegayaan inay Xildhibaanada qaar soo jeediyeen in Berri kulankii ugu dambeeyey mar kale lala qaato dibna loo dhigto go’aanka.