Gaari ay la socdeen Gudoomiye Waaxeed & ciidamo ka tirsan dowlada oo lagu weeraray Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Qarax iyo weerar toosa lagu qaaday gaari ay la socdeen Guddoomiye Waaxeed iyo ciidamo ka tirsan dowladda Somalia.

Weerarka ayaa ka dhacay Xaafada Suuqa Xoolaha degmada Hiliwaa ee Gobolkaan Banaadir, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro kala duwan.

Gaariga la weeraray oo noociisa lagu sheegay ‘’Noha’’ ayaa maraayay inta u dhaxeysa xaafada Suuqa Xoolaha iyo Isgoyska SOS ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan halka loo yaqaan dalcada maalin Taajir.

Weerarka kadib ayaa Gaariga lagu qarxiyay miino dhulka loogu aasay waxaana gabi ahaan gubtay gaariga kadib markii ay isku biirsadeen Qaraxa iyo rasaas ooda looga qaaday gaariga iyo ciidamadii la socday,waxaana gaariga iminka damiyay gurmad ka imaaday maamulka Degmada.

Maleeshiyada weerarka iyo Qaraxa isugu daray gaariga ayaa la socday gaari nooca raaxada ah, waxaana lasoo sheegayaa in ciidamadii la socday gaariga qaarkood la dhigay xarumo caafimaad oo aan meesha ka fogeyn.

Dadka ku dhintay Qaraxa ayaa waxaa kamid ahaa Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa Maamulka degmada Yaaqshiid kaas oo lagu magacaabi jiray Cali Cabdi Geedi Farayare.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Guddoomiyaha iyo laba kamid ahaa ciidamadii la socday ay u geeriyooden dhaawaca kasoo garay Qaraxa, halka markii hore ay ka badbaadeen rasaastii lagu furay.

Sidoo kale, weerarka kadib ayaa waxaa halkaa gaaray ciidamo ka tirsan dowlada oo halkaa ka qaaday dhaawacyada ciidamada liitay ee la socday gaariga.

Ma cadda sababta ka danbeysay weerarka gaariga, waxaana lasoo sheegayaa in ciidamada la weeraray ay ka tirsanaayen militeriga, sida laga soo xigtay goobjoogayaal.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com