Jaaliyadda Beesha Yusuf Galmaax oo tacsi tiiraanyo leh direysa

Annagoo ah Jaaliyadda Beel-weynta Yuusuf Galmaax ee UK gaar ahaan Magaalada London,  annagoo ka xun kana tiiraanyeysan waxaan tacsidan u direynaa dhamaan  Ehelka, asxaabta iyo qoysaskii ay ka baxeen walaalaheen

  • Xìldhibaan Ismacil Muumin Hilowle.
  • Xildhibaan Shiikh Daahir Cabdulle Mukhtaar
  • Guddoomiye kuxigeenkii Degmada Raaga Ceelle Muse Cabdulle

Iyo dhamaan Saraakiishii iyo Ciidankii la socday Allaha u wada naxariistee oo taariikhdu markay ku beegneyd 05/06/2018  gacan ka gardaran ay si wuxuushnimo ah ugu dishay Waddada isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Xamar iyagoo safar shaqo ugu socday magaalada Muqdisho.

Waxaa iyadana tacsi taa lamid ah diraaya jaaliyadaha Yuusuf Galmaax ee Yurub inteeda kale iyo North America. gaar ahaan jaaliyadaha Switzerland, Norway, Germany, Sweden, Finland, Denmark iyo Nederlands.

Innaa lillahi we innaa ileyhi raajicuun , geeridu waa xaq waase kala xanuun badan tahay.