Gaari ay leeyihiin ciidanka KENYA oo la qarxiyay

Gaarisa (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qarax loo adeegsaday oo ay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen deegaan u dhow magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyiga Bari ee dalka Kenya.

Qaraxa oo la dhigay waddada dhinaceeda ayaa waxaa lala beegsaday gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya, xilli ay ku socdaalayeen halkaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa qarxan ku dhintay ugu yaraan saddex qof oo laba kamid ah ay ahaayeen askar ka tirsan ciidankii saarnaa gaariga, halka uu dhaawac soo gaaray haweeney meesha ku sugneyd oo ka mid aheyd dadka deegaanka.

Ciidamada qaraxa lala beegsaday ee ka tirsan kuwa Kenya ayaa ilaalo ka hayey dhismo ka socda waddo ku taalla halkaasi, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa dhankooda cabsi xoogan ka muujiyay kororka ku yimid weerarada ay Al-Shabaab ka fuliyaan agagaarka xadkaSomalia.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada Kenya ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen agagaarka magaalada Gaarisa ee Waooyi Bari, Kenya.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ka fuliya xadka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo uu khasaare kasoo gaaro ciidamada Kenya iyo rayidka.