Gaari ciidan oo Muqdisho ka geystay shil sababay dhimasho iyo dhaawac

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa faah-faahino dheeraad ah laga helayaa shil gaari oo maanta ka dhacay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawaca.

Shilkaan ayaa waxaa sababay gaari ciidan oo jiiray Mooto ay saarnaayeen dad shacab ah, wuxuuna si gaar ah uga dhacay halka lagu magacaabo Sii-Sii ee u dhow xarunta aargada degmada, sida ay dad deegaanka ah u sheegen Caasimada Online.

Warark ayaa intaas kusii daraya in goobta ku geeriyootay Gabar lagu magacaabi jiray Hani Cabdirisaaq Yuusuf, halka ay dhaawacyo soo gaareen Gabar lagu magacaabo Fardowso Weydoow oo ayadna saarneyd mootada iyo darawalkii Mootada.

Gaariga ciidan ee jiiray Mooto Bajaajta ayaa la sheegaya in uu la socday taliyaha Amaanka degmada Deyniile, ayada oo goobta shilku ka dhacay isaga dhaqaaqay gaarigu, sida lagu soo waramayo.

Shilalka gaawaarida ciidanka ay geystaan ayaa inta badan ka dhaca caasimadda, iyadoo waxyeelo kasoo gaarto dadka shacabka ah, mana jiro inta badan garowshiyo arrintaas ay ka bixiyaan.