Shaki hareeyey mashruuca cusub ee Farmaajo – Guri dhis mise been xalaaleyn lacag?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taageerayaasha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay si rasmi ah u billaabay mashruuc ay ugu magac dareen “Guriga Madaxweynaha Shacabka” oo la sheegay in guri loogu dhisayo Farmaajo.

Mashruucan ayaa waxaa durba hareeyey muran ku saabsan sababta Farmaajo oo la rumeysan yahay inuu yahay milyaneer guri loogu dhisayo, xilli ay gaajo iyo harraad u naf baxayaan kumanaan qof oo Soomaali ah oo ay abaar ku hayso gobollo badan oo dalka ka mid ah. 

Hase yeeshee, halista ugu weyn ee mashruucan ku hareereysan ayaa ah cabsi la xiriirta in la doonayo in loo adeegsado been xalaaleyn lacag (Money Laundering), si malaayiin dollar oo cash ah loo marsiiyo nidaamka bankiyada, oo haddii si toos ah hadda loo geeyo ay su’aalo badan ka dhalanayaan. 

Money Laundering waxaa inta badan adeegsada dadka ka ganacsada daroogada, argagixisada, kuwa lacagaha dhaca, iyo cid kasta oo dooneysa inay lacag cash ah oo aan laheyn raad-raac, ku shubato banki.

Dalalka caalamka ayaa waxaa inta badan u degsan sharciyo xaddida lacagta cash-ka ah ee qofka hal mar banki geyn karo, waxaana inta badan lagu xaddidaa ugu badnaan 10 kun oo dollar. 

Inkasta oo Soomaali aysan laheyn sharci noocaas, haddana maqaamka iyo magaca Farmaajo ayaa soo jiidan kara dareenkooda islamarkaana abuuri kara shaki badan haddii lacag tiro badan mar lagu shubo, ayada oo sidoo kale ay fududahay in xogtaas la helo.  

Dadka aaminsan in mashruuca “guri dhiska” Farmaajo loo adeegsan karo been xalaaleyn lacag waxaa ka mid ah Aadam Cabdulle, oo ah aqoonyahayn ka faallooda siyaasadda iyo amniga oo degan gobolka Minnesota ee Mareykanka.

“Akoonadan waxaa looga dan leeyahay in loo adeegsado in lagu been xalaaleeyo hantidii qaranka ee la xaday. Hanaan lagu sharciyeynayo hanti aan sharci aheyn. Sharci-ilaaliyayaasha, gaar ahaan dalalka ajnabiga ah ee ay degan yihiin ‘deeeq-bixiyeyaasha’ [Dadka bixinaya lacagta guri dhiska] waa inay baaraan akoonadan,” ayuu yiri Aadam Cabdulle oo ka hadlay akoonada loo furay in lacagta lagu rido.

Inkasta oo aan la ogeyn heerka ay gaarsiisan tahay lacagta uu shaqsiyan haysto Farmaajo, haddana waxaa la qiyaasayaa inay malaayiin dollar dhan tahay, ayada oo laga qiyaas qaadanayo ololihii doorashada.

Farmaajo wuxuu ahaa musharaxii bixiyey lacagtii ugu badneyd doorashada, ayada oo xildhibaankiiba uu siiyey 100 kun oo dollar, inkasta oo aan la aqoon tirada xildhibaanada uu lacagta u qeybiyey. 

Waxa uu sidoo kale hadda kiro ku degan yahay guri bishii kiradiisa ay tahay 25 kun oo dollar, oo sanadkii keeneysa 300,000 oo dollar. Taasi waxa ay dhalineysaa su’aal ku saabsan lacagta Farmaajo u helay inuu xildhibaano ku iibsado, gurina ku ku kireysto, balse aanu u haysan inuu guri ku dhisto. 

Jawaabta ayaa noqon karta in ujeedku yahay indhaha dadka laga leexiyo guriga. Guri laga dhiso aagga cagaaran ee Muqdisho oo ah aagga garoonka waxaa ku baxaya malaayiin dollar, mana ahan wax qarsoomi kara.

Sidoo kale, arrintan waxay dhib uga iman kartaa bankiyada Soomaalida ee lacagta la marsiinayo, sida uu qabo kana digay Saciid Ibraahim oo ah aqoonyahay bartay cilmiga ammaanka Internet-ka (Cyber Security).

“Bankiyada waa inay aad uga taxaddaraan in lacag shaki badan ku hareereysan yahay la mariyo shabakadahooda. Sharci-yada ka hortagga been xalaaleynta lacagaha waxay u jiraan inay ka hortagaan in khiyaanooyinkan oo kale la qariyo raadkooda, balse waxaan qiyaasayaa in bankiyadan aysan kala jecleyn,” ayuu yiri. 

Farmaajo ayaan weli si rasmi ah uga hadal mashruuca, balse waxaa la rumeysan yahay inuu raali ka yahay waxna ka ogyahay maadaama dadka lacagta ay ku dhaceyso ay yihiin agaasimihii hore ee Villa Somalia iyo afhayeenkiisii hore. 

Si kastaba, qorshahan ayaa waxa cad inuu soo jiidan doono dareenka madaxda bankiga dhexe ee Soomaaliya iyo dalalka deeqaha bixiya ee Soomaaliya, si ay u eegaan haddii suurta-galnimo been xalaaleyn lacag ay jirto iyo haddii kale.