Madaxweyne XASAN oo u qalbi qaboojiyey Qoor Qoor

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay si dadban u sheegay inaysan marnaba duulaan ku aheyn maamuladii sida weyn u taabacsana madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Xasan oo hadal ka jeediyay munaasibad lagu soo dhaweynayay oo ka qabsoomtay Dhuusamareeb ayaa waxa uu si cad u sheegay in Qoor-Qoor uu soo laaban karo haddii ay dadkiisa raali ka yihiin, oo aysan dagaal ku aheyn dowladda cusub.

“Madaxweynihii hore ayaa la doortay, guddoomiyihii hore oo Gole Shacab ayaa la doortay oo guddoomiye Aqal Sare ayaa la doortay, marka fursada madaxweyne kasta oo dowlad goboleed in markale la doorto kor ayay u soo kacday,” ayuu yiri.

“Waxaa leeyahay wax ka ba’a malaha ee dadkaaga qalbigooda hel cid ku haysan karta majirto. Tallada reer Galmudug ayay ka jirta wixii banaankeeda kaga yimaada anaga ayaa nalaga raba in yac dhahno anaga ayaa nagala raba.”

Hadalka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay ka dhabeynta ballan-qaadkii uu sameeyay ee ahaa in uusan jiri dooni aargoosi siyaasadeed.

Inta badan waxaa iska caadi noqotay in madaxweyne cusub marka uu yimaado uu beegsado dhamaan madaxda kasoo horjeeda, hase yeeshe hadda wixii ka dambeeya madaxweyne Xasan ayaa jeexay jid cajiib ah oo meesha ka saaraya dhaqankii hore.