PUTIN oo cudurka Kansarka uu ku dhacay iyo loolan ka dhex billowday Kremlin-ka

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa laga daweeyey cudurka kansarka oo marxaladdiisu sarreyso bishii April, wuxuuna sidoo kale ka badbaaday isku day lagu dili lahaa bishii March, waxaa sidaas shaaciyey wargeyska Newsweek oo soo xiganaya sirdoonka Mareykanka.  

Warbixinta wargeyska ayaa sheegtay in qiimeynta sirdoonka Mareykanka ay tilmaameyso in hoggaamiyaha Ruushka uu xanuunsan yahay, go’doonsan yahay islamarkaana uu si sii korhdeysa u wareersan yahay, taasi oo dagaalka Ukraine ka dhigeysa mid aan la saadaalin karin. 

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in xaaladda Putin ay mugdi ku hareereysan yahay tan iyo duulaankii Ukraine sababo la xiriira go’doonka uu galay, waxayna ka digtay in la saadaaliyo geeridiisa.

Saraakiil Ruushiyaan ah ayaa ku loolamaya awoodda Kremlin-ka, ayaga oo dareemaya in waqtigi Putin uu geba-gebo ku dhow yahay, waxaa sidaas sheegay mid ka mid ah sarakaiisha Mareykanka. 

Dhinaca kale, warbixinta ayaa sheegtay in isku dayga lagu khaarijin lahaa Putin oo dhacay bishii March “uu ahaa shirqool Ruushiyaan ah” oo ay ogaadeen amniga nabad-sugidda Kremlin-ka, sida ay tiri warbixinta oo aan bixin faah-faahin. 

Waxa kale oo ay shaacisay in CIA-da iyo sirdoonka dalal kale ay maqleen warbixino la xiriira qancsanaan la’aan ka dhex jirta wasaaradaha amniga Ruushka, iyo in qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Ruushka ay doonayaan inay u goostaan dalalka Reer Galbeedka. 

Putin ayaa waxaa ka muuqday daal iyo tabardarri mar uu dhowaanahan kasoo muuqday fagaare. 

Mid ka mid ah saraakiisha sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in Putin hadda uusan awood buuxda laheyn islamarkaana amaradiisa aanay u fulin sidii hore, taasi oo ka dhigeysa in xitaa hadduu damco inuu adeegsado hub Nukliyeer ah aanu awoodin. 

Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka Sergei Lavrov ayaa ku gacan sayray xanta ku saabsan in Putin uu xanuunsan yahay.

Duulaanka Ruushka ee Ukraine ayaa Jimcaha maanta ah galay maalinkii 100-aad, ayada oo ciidamada Moscow ay garaacayaan gobolka Donbas, taasi oo qeyb ka ah isku day ay ku qabsanayaan bariga dalkaas. 

Ukraine ayaa Arbacadii sheegtay in Ruushka ay hadda maamulaan 20% dhulka Ukraine, oo ay ka mid yihiin Crimea iyo qeybo ka mid ah Donbas oo ay qabsadeen 2014.